Dagaal culus ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagaalkan oo dhacay gellinkii dambe ee xalay ayaa wuxuu ahaa mid culus iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in xoogagga Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmada ay gudaha u soo galeen degmadaas, iyadoo dagaalku uu soo gaaray aroornimadii hore ee saakay.
Weli kama aysan hadlin dowladda Soomaaliya dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahadaay oo bishii hore ay kala wareegay Al-shabaab kaddib saddex sano oo kooxdan ay ka talinaysay degmadaas.
Inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey dagaalka Afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, iyadoo ugu dambeyn xoogaggii Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmadaas ay isaga baxeen.
Daafeet.Com