Gudoomiyaha Wanla-weyn oo deegaanka Garas-Uuleey kula hadlay barakacayaal Muqdisho kasoo laabtay.

5
197

maame

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha degamada Wanle-wayn ee gobolka Shabeeleha hoose Isaaq Maama ayaa waxa uu maanta tuulada Garas-Uuleey uu kaga qayb galay xaflad dib u dejin loogu sameeyay dad horay uga barakacay geedaankaas oo maciin biday xeryihii qaxootiga ee dabayaaqadii 2011 kii laga furay Muqdisho.

Dadaal badan oo ay iska kaashadeen maamulka degmada Wanle-Weyn iyo hay’ad samafal ah oo laga leeyahay wadanka Qadar ayaa waxay ku guulaysteen inay soo celiyaan kaabayaasha nolosha ee deegaankaas misna ay dib Muqdisho uga soo raraan dadkii deganaa deegaankan.

Deegaankan Garas-Uuleey ee hoos taga degmada Wanle-Weyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu ka mid ahaa deegaanadii abaaraha dartooda ay ka barakeceen dadkii deganaa 2011.

Halkan ka dhegayso

Unknown Album

Ku dhegayso Mobilkaaga

5 COMMENTS

  1. maashaalaah ha nagadaa dhulkiiginaa barwaaqe eeh nebedna ku kooya walii keloo dhiha lahaayeey kuwa roogaan muqdisho iyo bosaasa inuu yoo walaalnashoo ki diyidaan oo ha nagadaan maxaa megen maleeh ilaahay yee dhul barwaaqa eeh siin siyeen.

  2. afka maay maaygana hal qiimayooy hayna ka hadalooy, oo ay la ki xishooney geeka waa lanba afshey geekikii af somali ku hadal , dhamaati taas maay maay guul guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul,

  3. masha allah eeda ing salame marki hore godomiyaha walan weyn , tan kale dadki kinol degmadas meyba ing shegey inti eed han dhawayan walalyasho oo dib han nagadeen waliba eed ingki mahad nagey shabakada daafeet.com oo mar walbi haning bandhigas dhibatada dadki haysidi iyo walibi wacigilinti dadki xan tabiyas insha allah waliba sing rajeyeyi kheyr badan .

  4. mashaa allaah aan iscaa wino illaah ayaa nacawinaayo deeganka aan kasoo jeedno aaan u tashano hormar aan kasmeyno daadaal badan ayaa nalaga raabaa hurdadabka kacao dhamaan teenaa waaan hurudnaa wali sida larab wacba uma khabanin wali isbitaal aan dhisno dugsi khuraan iyo agoonta meel lagu xanaaneeyo aan dhisno kan doowlada kujiro xilban ka ah kasoojeedo deegaan keeena hadii dadka darufaha heysato uu kafikiri waayo meel aan uga soo wada jeesano fadaraalka aan tageerni kan dhuuso mareeb ka imaadey rabo daafeed in xoog ku jogo rabo aaaan iska celino tuugada aan iska khabano wabilaaahi toowfiikh

Comments are closed.