Qoysas barakacayaal ah oo ku nool Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ayaa xaaladooda laga deyrinayaa ayagoo ku jira nolol aad u xun.
Guddoomiyaha maamulka dowladda ee gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tall, ayaa sheegay in degmada ay ku nool yihiin dad badan oo ka soo barakacay degmada Xuddur, markii ay dib u qabsatay maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo ay liidato xaaladdooda nololeed.
Guddoomiyaha ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in gargaar deg-deg ah la soo gaarsiiyo dadka ku nool degmada Ceel-barde, isla markaana la xorreeyo deegaannada ay ka soo barakaceen.
Ceel-barde ayaa ah degmada kaliya ee ka tirsan gobolka Bakool oo ka madax bannaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Daafeet.Com