Tiro lagu qiyaasey 82 ruux oo tahriibayaal African ah ayaa ku naf waayay xeebaha dalka Talyaaniga kadib markii ay la degtay doonidii la socdeeen ay kula degtay xeebaha koofurta Lempadusa.
Saraakiil u hadlay ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay in meydadka dadka geeriyooday la helay ayaagoo badda dul sabaynaya waxaana illaa iyo hadda la bad baadiyay 140 ruux kadib markii gurmad loo sameeyay.
Wasiirka gaadiidka dawlada Talyaaniga Maurizio Lupi ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in dadka qaarkii doonida laga daadshay kadib markii ay doonidu ciladawday waxaana uu intaa ku daray in willi uu socdo gurmad loo samaynayo dadka ay mashaqadu qabsatay.
Tahriib
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Â
Daafeet.Com