Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo maanta xukun dil ah fulisey Labo ruux oo horey dad u diley

0
81

Dil Askar DowladaAfhayeenka maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya C/laahi Maxamed Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa sheegay in maxkamada ay xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo dhowaan fal dil ah kula dhaqaaqay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa dhageysiga dacwada raga eedeysanayaasha ah u fariisatay 28-kii bishii hore dacwadaasi oo loo haystay laba xidigle xoogga dalka Yaxye Shiikh C/laahi Axmed 33 jir ah ina Xabiibo Maxamed,ku dhashay xamar kana tirsanaa guutada afaraad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,Xuseen Cali Axmed Cumar 37 jir ah,ina Aamino Muudeey ku dhashay degana Balcad.

Raga xukunka dilka ah maanta lagu riday ayaa ilaalo u ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabo Nuur Maxamed Xuseen,isagoo sheegay in labadaasi eedeeysane ay dilka geysteen 01-09-2013,dilkuna uu ka dhacay Degmada Warta Nabadda gaar ahaan dhabarka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya.

Labada askari ee xukunka dilka ah maanta lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dable Boolis Aadan Nuur Cali iyo Dable Boolis Cali Muumin C/raxmaan oo ka tirsanaa ciidanka birmadka Booliska Soomaaliyeed.
Daafeet.Com