Jaaliyda Digil iyo Mirifle ee Dalka Canada oo ku sifoobey wax qabad la,aan iyo Dab hurin

2
64

Digil iyo MirifleDalka canada qeybihiisa kala duwan waxaa ku sugan Jaaliyad Digil iyo Mirifle oo aad u balaaran xiliyadii hore waxaa ey caan ku ahaayeen iskaashi iyo wax wada qabsi balse xiliyadan dambe waxaa ey ku sifoobeen wax qabad la,aan iyo tafaraaruq.

Waxaa jira qaar badan oo ka tirsan jaaliyada oo u ololeeya in dadka ey sidan u kala daadsanaadaan ayagoo aan la ogeyn danta ey ka leeyihiin kala maqnaashaha ey dadka kala maqan yihiin.

Mid ka mid ah shacabka jaaliyada oo aan ka wareystey arimahan ayaa waxaa uu inoo sheegey in jaaliyada ey ku hishiiyeen ineysan heshiinin ayagoo ogeyn waxa ey ku kala maqan yihiin, Dhinacyada qaarkood aad ayey ugu fiican yihiin balse wexey aad uga gabeen in ey wax u qabstaan deegaanadii iyo tuulooyinkii ey degenaayeen madama dadka ay u baahann yihiin in wax badan laga haqabtiro.

Si kastaba arintu ha ahaatee hada waxaa deegaanka ka socda maamul u sameyn lexda gobolka ee koonfur galbeed somaliya jaaliyadaha digil iyo mirifle ee ku nool dunida dacaladeesa waxaa ey abaabul ugu jiraan sidii ey gacan uga geysan lahaan maamul u sameynta 6 Gobol, Balse jaalida digil iyo mirifle ee ku nool dalkan Canada waxaa ey qaateen barkin dheer oo waabey hurdaan wexeynu sugi doonaa xiliga ey toosi doonaan maadama jaaliyadaha kale ee halka ku nool ey mar walba hiil iyi hooba ey garab taagan yihiin deegaanadii ey ka yimaadeen.

 

Daafeet.Com

 

 

2 COMMENTS

  1. Waaba sheegtay iney heshiiyeen DM kuna heshiiyeen INEY WELIGOOD HESHIIS. MAXAA REER CANADA ISU DAALINEYSAAN.
    NORTH AMERICA OO DHAN OO ISKU MID

Comments are closed.