Dhegayso…Prof Cali Macow "Caasimada KoonfurGalbeed iyo Madaxweynahaba hala siiyo beelaha Digil"

7
46

afgooeWafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Cabdi xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayna ka mid ahaayeen Wasiirada wasaaradaha Ganacsiga ,Howlaha guud iyo Dekadaha iyo Xildhibaano Sodon kor u dhaafaya iyo weliba Siyaasiyiin rugcadaa ah oo u horeeyo Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil iyo Salaadiin Aqoonyahano iyo waxgarad intuba kasoo jeeda gobolada KoonfurGalbeed ayaa waxay maanta booqasho ku tageen degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose.

Hadaba wafdigaasi kolkii uu gaaray degmada Afgooye ka dib ayaa waxa ay kulan la qaateen maamulka gobolka kan degmooyinka Gobolka Shabeelaha hoose,Aqoonyahanada iyo duubabka dhaqanka iyagoo kala hadlay qaabka ugu haboon ee maamulka gobolka loo dhisi karo.

 

Unknown Album

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Ku dhegayso Moobilkaaga

 

Hadaba tagitaankii ay wafdigan balaaran ee reer Shabeelaha hoose ay ku tageen deegaankooda ayaa waxay Naxdin iyo Kurbo ku noqotay kooxda duulaanka ee ay horboodayso beesha Burburka ku dhacay ee Cayr kuwaasi oo kulan ku sheeg ku yeeshay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay wafdigaan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Difaaca Xukuumaadda Soomaaliya ee tagay Degmada Afgooye ku sheegeen inuu dagaal iyo xiisad uu ka abuurayo
“ Wasiirka Gaashaanka dhiga xabad ayuu ka riday Kismaayo waa tii la ogaa oo dad badani ay ku dhinteen, hadana halkaan ayuu rabaa mana kan yeeleyno” Sida ay qortay Warbaahinta ku hadasha afka beesha Habargidir ee Shabeelle.

 

Daafeet.Com

 

7 COMMENTS

  1. A/C,akhyaarta dhamaan waa idin salaamey teeda kale waxaan idin sheegyaa maanta in uu xaqii dilaacey waxaana farxad ii ah madaxdii koonfur galbeed oo isku duuban in ay fahmeen dhibaatooyinkii loo geystey iyo dibin daabyada hada socota,waxaa meesha iiga cad kuwii xaqdarada wax ku raadinaayey in ay maanta dhabanka haystaan oo aan waxaan jirin meelaha lafdhiya waxaan kula talin lahaa in ay raali gelin kabixiyaan dhibaatooyinkii ay u geysteen kuwii duulaanka ahaa shacab weynaha konfur galbeed ee soomaaliya ileyn mar walba ma ahan wax soconaya in umad inta loo yimaado dulmina lagu sameeyo.

  2. kan habir gedir yee haayey ama digil dhalad eeh ana shal biya waayey kii hore oo hadalaayi, ki laba laboodibaa ,hadii digil ete walaagaas oo kale walaal shalgooyow warbaahinta in lakooytoy.

  3. guul guul isku tashada war aan ku faraxney manta aya arakney war xiiso badan waye gobolka waa xurubey kkkkkk hala damashado dadka wey isku tashaden

  4. digil waa waalidka mirifle, madaxweyne hala siiyo ma ahane digil isagaa xaq u leh wax walbane isagaa looga dambeeya.
    Madaxweyne iyo wixii ka sareeyaba yaa u diidi karaa digil daysan cumar sab. somali waa sab iyo samaale anagu sab ayaanu nahay.digilna waa waa waalidkii warku waa dhanyahay.

  5. asc, aniga digil iyo mirifle ayan ahay gaar ahan miirifle , waana ku racsanahay fakarka prof. digil madaxweynaha hala siyo.

  6. asc ad ayan ugu faraxsanahay dm wawalalo xil laqabtana waxba madhibayo lakin waxan ilahey markasta kabaryayna xaqa in u nohiliyo umadena badbadin ayay u bahan tahay iyo in laiska qabto kuwa dulanka ah o weli god xalal so cunin ila ay dhintan ku haminaya inay wax dhacan anaga hadafkena wa hal dm o heley mamulka konfur galbed inay umadas nala degan iyo anaga nabad ugunolano on cadalad ku dhaqano

  7. ilaahow naga qabo kuwa dadkeena duleystey oo ku caan baxey dhibaateynta shacabka k/galbeed ee soomaaliya..waxan ad ugu faraxsanahay inay maanta gartaan shacabka dantooda kana tashadan cadowga ku soo duuley hadana raba iney dagaal ka bilaabeen gobalada ay degaan shacabka soomaliyeed ee nabada jecel..

Comments are closed.