Wakiilka Midowga Africa ee Somaliya Mahamat Saleh oo la kulmey Jaaliyada soomaliyed ee Manneapolis

0
51

mahamatQaar ka tirsan Saraakiisha Midoowga Afrika iyo AMISOM ayaa kulan dalka Mareeykanka kula qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyaga oo soo bandhigay waxqabadka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa lagu qabtey magaalada Minneapolis ayaa waxa ka qeybgalay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif iyo Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen kumanaan ka mid ah jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray loogana hadlay waxqabadkii ciidamada AMISOM intii ay dalka joogeen,taasoo ay ku soo bandhigeen filim ka turjimaya waxaqabdka AMISOM ee gobolada dlaka Soomaliya.

Dadweynaha Soomaalida ayaa su’aalo kala duwan weydiiyay wakiilka iyo Afhayeenka AMISOM kuwaasoo ku aadana wadashaqeynta ka dhaxeysa iyaga iyo dadka Soomaliyeed iyo qaladad dhaca mararka qaar.
Daafeet.Com