Dhegayso..Hogaamiyaha Raaskambooni oo sheegey inuusan ka qeyb galeynin shirka lagu wado in lagu qabto Muqdisho

0
123

axmed madobeHoggaamiyaha maamulka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo 21-ka bishan lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa xusay in heshiiskii dhex maray maamulkiisa iyo dowladda federeraalka ah ee Soomaaliya uu dhigayay in madaxda maamulkiisu ay tagaan Muqdisho, taasoo ay fuliyeen, kaddibna shir dib u heshiisiineed lagu qabto magaalada Kismaayo.

Wuxuu tilmaamay in aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galka shir looga arrinsanayo arrimaha Jubbooyinka oo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhegayso

Unknown Album

Mobilkaaga ku dhegayso
Daafeet.Com