Mariixaanka reer Gedo oo Munaafaqnimo xal mooday!

7
223

gedoSi aanu wax badan aan uga ogaano mowqifka beesha Mariixaan ee ku aadan Maamulka Axmed Madoobe ee Dowlada Soomaaliya u aqoonsatay inuu si KMG ah u sii hayo maamul aan Fedraal ahayn ee loogu magac daray Juba iyo Maamulka kulamadiisu haatan bilowday ee KoonfurGalbeed ee ka socda Baydhabo laguna Midayndoono gobolada KoonfurGalbeed oo ay Gedo qayb ka tahay isla markaana beesha Mariixaan ay wax ka degto.

Hadaba arimahaas iyo mustaqbalka beesha Mariixaan waxaan ka waraysanay Cabdi Bare Cabdi oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo haatan ah ku simaha Gudoomiyaha Maamulka Dowlada Fedraalka ah ee Gobolka Gedo.

Cabdi Bare ayaa waxa uu sheegay daruufaha jira aawadeed inuusan waxba ka qabin in la dhiso Maamul Goboleed Koonfur Galbeed balse waxaa uu carabka ku adkeeyey inuu taageersan yahay midka Jubboland taasi oo u muuqata in beesha Mariixaan iyo hogaankeeda Siyaasadeedba ay dantu biday inay u dhaqmaan sida ay Soomaalidu tiraahdo”Ridu Gar leh Riyuhuna Gar”

Hadaba su,aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey ayaa waxay ahayd waa maxay aragtidiina ku aadan arimaha ka taagan Kismaayo?

Halkan ka dhegayso

Wareysi dheer Cabdi Bare Cabdi

Ku dhegayso Mobilkaaga

7 COMMENTS

  1. mariixaaniyo ogaadeen maad kala jeceshihiin war markii horeba garbahaarey iyo buulo xaawo ayey ka deganaayeen hadana faqashta dabada ha laga galo, ee dhulka ha la horeyo digil iyo miriflow dhimasho ogolaada, waana xaq in aad shey aad dejisey maantana tugtuug waa yaab, mana dhacayso

  2. Mareexaan galin darka yeesan ku darsan ceelwaaq. Ceelwaaq garre ayaa iskaleh qoxooti nimo ayee kujoogaan haddii kale dagaalkii hilaac weyne kadaran ayaa idin qabsanaa ayaan leeyahay

  3. Mareexaan yeesan ku darsan kalin darka

    Ceelwaaq. Ceelwaaq garre ayaa iskaleh
    Mareexaan mahilmaameen dagaalkii hilaac
    Weeyne. Dib ayaan idiin xasuusin doona

  4. Waxaa Xaqiiqo ah oo marag maddoontana ah, In Mashaakilka & Dhibka heesta Qowmiyadda D&M, in ayagu sabab u yihiin. ooaa run dhimasho ma rabaan oo ku yimimaada Dagaal, oona xaq ah, in la dhinto loona dhinto wax xaq ah! Taasi waxaa daliil u ah, maalintii ay dhimashadu rabeen oo magaca D&M ay ku dagaal galeen- taasoo waloow aanu runta aheyn- haddana waxay xureeysteen- Nimankii sameeystay Jabhadda RRA, Dhulka ay ku magacaabaan D&M uu yahya Baay & Bakool, Mas’uuliinta RRAna waa ka war qabaan arintaasi. Hadda waxaa nool laba Ruux, Ruuxa kale Rabbigii ayaa ceshtay! Waxaa Xaqiiqa ah, oo aan hubaa, in dhulkani Qowmiyadda Ilaaheey ku maneestay aanu marna ku soo noqoneeynin Aboow, Aboow, iyo Laaluush la qaato, ee uu u Baahanyahay RAG, Waddiniyiin ah, oo daacadna ka ah Qadiyadda oona aheyn mid lagu doonayo Lacag, ama Jaah ( Madaxtinimo)iyo Canshuur ku aroorsasho, sida aan anigu ku soo arkay , Somalia Xiliyada kala gaddisan, iyo RRAna u burburtay Cashuurtaasi darteed!Ee Raggaasu noqdo hadafkooda in ay ka Xureeyaan dhulkaasi: 1- Jahli, Gaajjo,Daba dhilif, Canshuur Qaate, Khaacin. 2- Cadowga Heesta oo raba isagana in la mid ah, kuwa ku xusan kor. 3- Dhul doon, ama Dhul Balaarsi. 3- Addoonsi, uu lagu hayo shucuubta ku abtirsada Koonfur Somalia oo Jinsuyad kasta leh, ugu badnaan Qowmiyadda D&M. Xaqiiqda waxaa ah! Dhibka weyn ee Somalia ka jiro aydu ay sabab u tahay, aan ka wado Qowmiyadda D&M, ee aan qolo kale lagu masabidi karin! Maxaa yeelay Ayaga ayaa Garan la,a xaqiiqda iyo ku camal falid waajibaadka ka saaran Koonfurta Somalia. Waxa ay awood u leeyihiin ayaa haddana aad arkeeysaa, in dadyoowga kale wax ka raadinaya, taasina waa daciifnimo. Aniga Munaasabdo badan ayaan ka sheegay in Qadiyaddaan ay ku imaan karto, Isku duubnaan, Niyo sami, iyo Xoog, caqli & Siyaasad hufan, wax ka baxsan waa un Daciifnimo, haddeyna sii jirto arimahaan, weligeed ma istaageeyso, Ummaddana sida aad arkeeysaan, meel kasta Qaxooti ku ha, oona lagu Aruursado Lacag, aan qiyaas laheyn, ka dibna lagu dhisto ama lagu gatto Beerahooda, dhulkooda, Business koodi,sida hadda aanu arkeeyno, Mogadishu & meelihii la midka ahba. Marka Cawaadka hala dhaafo Raganimmo hala mUujiyo. Nabigu wuxuu yiri CSW. ( Inamal Acmaalu Bi Niyaat—–)Is eed eedkana hala dhaafo.

    Mahadsinidiin,

    Xassan Xaaji Abuukar, Kenya, Nairobi,

  5. Mareexaan yeesan ku darsan kalindarka ceelwaaq . CeelwAaq garre ayaa iskaleh haddii kale dagaalkii hilaac weyne kadaran ayaa qabsanaayo

  6. Waxaa MAREEXAAN laga soo ceyriyey gobolada Dhexe ee Soomaaliya, ka DIB Waxay magan gelyo weydiisteen suldaankii GASAARGUDE ee DIGIL IYO MIRIFLE.

    Suldaankii GASAARGUDE oo la dhihi jirey GARAAD MAADOW oo ahaa nin cayilan oo cad oo qurux Badan.

    GARAAD MAADOW ayaa MAREEXAAN u sheegey in uu keligiis go’aan uu ku dejiyo dhulka DIGIL IYO MIRIFLE uusan gaari Karin balse uu balamin doono DIGIL IYO MIRIFLE DHAMAANTOOD Si arintooda loogu hadlo. Waa sidaan ayuu U dhacay SHIRKII DIGIL IYO MIRIFLE ee loogu arinsanayey MAREEXAAN.

    Markaa ka dib Garaadka wuxuu isugu yeeray dadkii dalka deganaa kuwaas oo kala ahaa:-
    1- Gasaargude
    2- Waaqdhoore
    3- Gawaaweyn
    4- Gare
    5- Sagaal iyo Sideed, iyo wixii meelaha ka dhowaa.

    Markii dadka la isugu yeeray dhamaantooda way diideen, khilaaf weyn ayaa ka dhex dhacay markii dambe Garaadku wuxuu yiri dadka waa dad islaam ah oo u dhashey MAREEXAAN-Daarood dad xun ma aha waan is weheshaneynaa waxaa suurta gal ah in beri wax taraan.

    Dadkii dalka degenaa ayaa waxay yiraahdeen dadkan sidii Bari loogu soo kiciyey ayey noo kicin doonaan intey soo bataan ee Garaadow ka fiirso arintan, Garaad Maadow wuu ka diiday taladooda wuxuuna yiri waan dejinayaa.

    Markaa Gawaaweyn waxay tiri: Hiladan ka cabayo yuusan iman maadaama ay siifka ay quudaneysey.
    Waaqdhoore wuxuu yiri Gawaaweyn ayaan ku raacsanahay, Booran waxay tiri dadkan qorax ka soo bax ayey ka yimaadeen meeshooda ha lagu celiyo.
    Garre wuxuu yiri nimankan afarta ah labo gayb ha laga dhigo Bay iyo Gedo ha loo kala tuuro, kii soo noqdana hala dilo hadii kale way soo noqonayaan.
    Gaasaargude ariinta waa ka aamusay, ka dibna Garaadkii wuu xanaaqay wuuna habaaray qabaa’iladii oo dhan wuxuu yiri niman yahow Mareeaxaan cahdi weyn ayaan kala qaadaneynaa, balan iyo dhaar ayaan kala qaadaneynaa haduu nooga baxo arintaas (balantaas), haduu ruux degan Gedo warankiisa u qaato ama dagaal aan ku wado tashanin masiibo dhexdiisa ayey ka dhacaysaa oo Gedo ka kaciso, hadii owlaadeyda ku soo laabto oo dhib u geysto ama ka oohiyo ama dilo ama sharafta dalka ku leeyihiin ka qaado Inshaa Allaah mareexaan Gedo wax ka kiciyo ayuu arkayaa, idinkana kuwii qoolkeyga jebiya ha noqonina, aniga igu fiiriya waa yahay isaga oo been u maleynayey.
    Booran waxaad tiri qorax ka soo halagu celiyo inshaa Allaah qorraxda meesha ay ku dhacdo Allaah ha ku geeyo.
    Garre waxaad tiri laba gabal halaga dhigo Insha Allaah labo Garre oo aan is af aqoon Allaah ha kaa dhigo.
    Gawaaweyn waxaad tiri webigeyga yuu iman webiga jiinkiisa ayaan kugu ogahay.
    Waaqdhoore waxaan kaa dhigay kabka Gawaaweyn, Gasaargude arinta waad ka aamustay inaad caddeyso ee arintaada laba cidaad geri la isku dhuftey ayaan ka dhigay.
    Mareexaan Inshaa Allaah Gedo adigaan kuu dhiibay ciidankii Gedo cadowga ka ilaalin lahaa adigaan kaa dhigay, biyo ayaa kaaga soo baxaya, maalintaad owlaadeyda ku soo noqotid ayaa laguu yaabaa.
    Waxaana istaagay Axmed Aadan Rooble Reer Xasan ahaa wuxuu yiri ‘ Garaadow waan ogolaaney gudoonkaaga waan kaa qaadaney waxaan ku faraxsanahay balantaas iyada ah, cahdigaaga haddii aan ka baxno Allaah habaarkiisa iyo kaagaba Allaah ha nagu rido.
    intaa ka dib waxaa istaagay Khaliif foqo Xasan oo la taliyo ah wuxuu yiri: waxaa noo dhaar ah noo balan ah cahdigii adiga iyo anaga wada galnay in aan la jebinin, labadii nin ee la socdeyna waxay yiraahdeen kuwaas ayaan ku raacsanahay.
    Garaad Maadow wuxuu ku dardaarmay sidii aan kor ku soo xusnay, balantii u taaley Mareexaan iyo Gasaargude, Waana tay yiraahdeen Mareexaan, “Gasaargude waa Gob Raxaweyn” jaceylna uma orane dantooda ayaa aheyd.

  7. raxweyn xuu ka hadlaaaaaaa daadkiiiiiina oonka u dhamanyo sida u dhaaaaaanto marexaan. mgaartane

Comments are closed.