Daawo:- Shirka Dhamaystirka iyo Taabagelinta maamulgobleedka KoonfurGalbeed oo 20 bishan furmaya

0
45

shirkeeKulan balaaran oo ay ka qaybgaleen Malaaqyada,Siyaasiyiinta iyo Gudiyadii loo xilsaaray qaban-qaabada Shirweynaha Dhamaystirka iyo Taabagelinta maamul goboleedka KoonfurGalbeed ayaa waxa uu maanta ka dhacay xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Kulanka oo kamid ahaa kulamo xiriir ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada ayaa waxaa maanta laga soo saaray go’aamo wax ku ool ah kuwaasi oo ay ugu horeeyaan Baaq loo diray dhamaan Qaybaha kala gedisan ee Bulshada ku abtirsata deegaanada gobolada KoonfurGalbeed ee Soomaaliya inay 20ka bishan Oktoobar ay isugu yimaadaan magaalada Baydhabo si loo furo kulanka Dhamaystirka iyo Taabagelinta Maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed.

Malaaqyadii kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay inay guud ahaan ay soo dhamaystireen howlihii ku aadanaa diyaargarawga habsami u qabsoomida shirka oo ay ugu horeeyaan guryaha martida la dejin lahaa iyo dhamaan baahida martida noocyadeeda kala duwan.

Dhanka kale waxaa maalintii Afaraad hawada ka maqan Idaacadaha magaalada Baydhabo kuwaasi oo ka maqnaanshahooda Hawada ay kasoo baxayaan warar isburinaaya oo la xiriira sababta keentay inay idaacaduhu ay hawada ka maqnaadaan,Mid ahaan wararka ayaa tilmaamaya in maamulka magaalada iyo Idaacaduhu ay isku dheceen ka dib kolkii ay idaacaduhu diideen inay baahiyeen wararka ku saabsan Qabanqaabada loogu jiro dhamaystirka iyo taabagelinta maamulgoboleedka KoonfurGalbeed, Halka warar warar kalena ay sheegayaan in Idaacaduhu ay wada ciladaysan yihiin.Waayaabe maxaa wada ciladeeyay?

Halkan ka dhegaysoUnknown Album

Mobilkaaga ku dhegayso

 

 

Daafeet.Com