Maxamed Yuusuf Aw-Libaax Gudoomiyaha Ahlusunada gobolada Koonfureed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu soo dhaweeyay heshiiskii Adis-ababa ee Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo dowladda Xasan Shiikh dhexmaray isagoo sidoo kalena ugu baaqay dhinacyadii heshiiskaasi wada saxiixay inay u fuliyaan sida uu heshiisku ahaa.
“Qodobada Heshiiska waxaa kamid ahaa kow in dib u heshiisiinta in la iskugu imaado Muqdisho oo dowladda Federaalka dhigto gogosha shacabkiina waxay u diyaarsanyihiin gaar ahan kuwii khilaafku u dhexeeyay dagaalkuna dhex maray in shir la qabto dib u heshiisiin ah Muqdisho ayayna joogaan,Axmed Madoobe wuxuu sheegay inaysan Muqdisho imaanayn anaguna waxaan kamid nahay Masuliyiinta Jubbooyinka waxaana u nimid Muqdisho in shirka Muqdisho hirgalo oo dhaco ayaguna waa inay yimaadaan baan leenahay” ayuu yiri Aw-Libaax.
Halkan ka dhegayso