Boliiska Dalka Greece oo Xabsiga dhigey 19 Tahriibayaal Somali ah oo kusii socdey Dalka Talyaaniga

0
50

greeceBooliska dalka Greece ayaa qabtay 19 muhaajiriin Soomaali ah oo lagu qariyay qeybta sare ee bus, kuwaas oo si sharci darro ah lagu galin rabay dalka Talyaaniga.

Wakaaladda Wararka ee AP ayaa sheegtay in muhaarijiinta Soomaalida ay isugu jireen 12 haween ah iyo toddobo rag ah, waxaana baska lagu istaajiyay agagaarka magaalada Thessaloniki.

Giorgos Pantelakos, oo ah sarkaal ka tirsan booliska magaalada Thessaloniki ayaa sheegay in shakhsi kasta oo ka mid ah muhaajiriinta Soomaalida lagu qaatay lacag dhan 4,100 doollar, halka rakaabka kale ee saarnaa baska ay bixiyeen 135 doollar qofkiiba.

Si kastaba arintu ha ahaatee tahriibkan ey somalida ku jiraan ayaa ah kuwa mar walba ey waxyeelo kasoo gaarto taasoo dhibtii ugu dambeysey ey ka dhacdey xeebaha dalka talyaaniga halkaas oo ey somali badan ku nafweydey.

 

Daafeet.Com