Iyadoo dadaalo aad u badan iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo lagu baadi goobayo in maamul loo dhan yahay loo sameeyo gobolka Hiiraan ay haatan ka socdaan caasimada gobolka magaalada Baladweyn ayaa waxaa hadana soo baxaya in beesha Xawaadle looga maara la’yahay in maamulka gobolka lagu saleeyo Cadaalad.
Xubno ka tirsan golayaasha Dowlada,Waxgarad,Siyaasiyiin iyo madaxda AMISOM ee jooga Beledweyn ayaa waxay wada hadalo aan loo kala kicin ay kula jiraan beesha Gaaljecel oo iyadu si xoog leh uga soo horjeeda falkan ay beesha Xawaadle ku doonayso in reer Hiiraan ay ku dabafaylaan.
Hadaba waakan Sheekh Xuseen Cismaan Cali gudoomiye ku xigeenka Siyaasada gobolka Hiiraan.