Dhegeyso:- Maamulka Somaliland oo sheegey in Hawadeeda aan laga xukumi doonin Somaliya

0
55

somalilandWasiirka Duulista Hawada Maamulka Soomaaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in maamaulka Soomaaliland uu mowqif ka taagan yahay maamulka Hawada deegaanada Soomaaliland, waxa uuna xusay in QM iyo cid weliba aysan ka ogolaan doonin in Soomaaliland Hawadeeda laga maamulo meelo aan aheyn deegaanadeeda.

Wasiirka ayaa sheegay in Maamulkooda uu Beesha Caalamka iyo dowlada federaalka uga digayo cawaaqib xumo ka dhalata Hawada Soomaaliya, waxa uuna xusay in QM ay wadahadal kala geli doonaan maareynta Hawadooda, isagoona sheegay hadii QM iyo dowlada federaalka ay iska dhego tiraan baaqooda ay arintaasi ka dhalan karto cawaaqib xumo tabanaysa QM dowlada federaalka.

 

Mamulka Somaliland

 

Halklan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Mamulka Somaliland Mobil

 

Daafeet.Com