Shabaab oo magaalada Baardheere ku gubey gaari Qaad ku rarnaa

0
52

DSC00012

 

 

 

 

 

Wararka laga helayo magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in shaley gelinkii dambe meel fagaaro ah  oo ku taala Suuqa Xoolaha Baardheere oo ay isugu soo baxeen Boqolaal dadweyne ah ayaa Xarakada Alshabaab waxaa ay ku gubeen Gaari Qaad lagu qabtey dhowr maalin ka hor,iyadoo sidoo kalena isla goobtaasina lagu gubey Gaari dameer oo isna qaad lagu qabtey.

Gaariga Qaadka lagu qabtey oo noociisu uu ahaa SURF,ayaa waxaa wadey oo ,islamarkaana mulkiyada gaariga lahaa  Xasan Yare C/laahi Abuukar oo maalmo ka hor  ku xirnaa Saldhiga Booliska Baardheere ayaa la sii daayey,ka dib markii laga qaadey lacag lagu sheegay Ganaax oo dhameyd  5 milyan oo shilinka Soomaaliga ah.

Xarakada Alshabaab oo maamusha deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Koonfureed ayaa waxaa ay  ku soo rogtey xukuno adag oo isugu jira Xarig iyo ganaax cidii lagu qabto cunista iyo ka ganacsiga jaadka,sigaarka iyo Tubaakada.

Mana ahan markii ugu horeysay oo gaadiid lagu qabtey qaad lagu gubo deegaano ka tirsan Gobolada Koonfurta ee soomaaaliya.