Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta shacabka kula tukadey Masaajidka Isbaheysiga Islaamka

0
44

xasan jawari iyo shirdonMadaxda dowladda Soomaaliya ayaa kula tukaday maanta masaajidka isbahaysiga Islaamka salaaddii ciidul-adxa, iyadoo hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay masaajidka uga dalbaday dadka Soomaaliyeed inay isku naxariistaan oo ay is-cafiyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka. Isagoo xusay in Qaranimada aan lagu gaari karin tafaraaruq iyo kala daadsanaan.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in nabadda dalka ay ku xiran tahay dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haddii aan nabadda aan si wadajir ah looga shaqeyn aysan soo laaban karin.

Madaxdii Isbaheysiga kula tukadey madaxweynaha waxa aka mid ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari iyo Reysulwasaraha Dowlada federalka Saacid iyo shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya.

 

Daafeet.Com