Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Tiiceey oo caawa ku hoyday xabsi kuyaal Brussels

3
99

burcad

 

 

 

 

 

Sida ay shaacisay Wakaalada wararka Belgium ee Belga waxaa maanta xabsi ku yaal magaalada Brussels loo taxaabay Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne) oo kamid ahaa madaxda burcad badeeda Soomaaliya xili uu saarnaa diyaarad ka tagtay magaalada Nairobi maalintii sabtida ahayd iyadoo ilo kamid ah garsoonka dalka Belgium ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP in loo haysto dacwado dhowr ah.
Sidoo kale ayaa warar uu baahiyay TV-ga Aljazeera waxaa lagu sheegay in Madaxii burcad badeeda Soomaalida lala qabtay Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) oo isaga laftiisa wax badan laga saaro falka burcadbadeeda Soomaalidu ay ka gaystaan xeebaha Soomaalida iyadoo sidoo kalena maamulkiisii Ximin iyo Xeebna in badan lagu eedeeyay la macaamilka iyo gabaadsiinta Burcadbadeeda Soomaalida xiligii u madaxweynaha ka ahaa Tiiceey Ximin iyo Xeeb.
Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Belgium Mr Johan Delmulle ayaa sheegay in ragan loo haysto Markab ay leedahay dowlada Belgium oo koox Burcadbaeeed ah qabsadeen sanado ka hor.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay qasab noqotay in la adeegsado xubno ka tirsan sidroonka kadib markii ay u muuqatay in aysan wax tar lahayn hadii loo jaro amar xarig ah oo Caalami.
Waxaan la ogayn in safaarada Soomaaliya ee Belgium ay arimaha ku saabsan xariga Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne) iyo Max’ed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey).ay daba gali doonto iyo in kale maadaama ragani ay haystaan dhalashooyin kale.

3 COMMENTS

  1. ragaan(afweyne iyo tiicey) wey qaldameen ayaan u maleynaa meesha ay u kala gooshaayeen waxay u maleeyeen garoomada macmalka ah ee ku kala yaala deegaanada ximin iyo xeeb, belgiumkana yaa loogu dacwoonaa ileyn habar-gidir ma aha, deegaana ma wadaagaan, ileyn kii ay tolnimada ay wadaageen (xasan dahir) ayaa xabsiga xamar ka soo bixi la’ afweyne iyo siicey waxaan leeyahay ku soo dhowaada hilton hotel

  2. dadkaan rer koraadka hunguri ayaa meel xun katuuraya hada afweyne waxaa lagu soo ogayaa denbi ah qafalasho dil madax furasho iyo weliba dad ajnabo oo laqafaashey ilaa hadana la la’yahay, tiiceyna waxaa ku cad denbi ah in ay ragaaan ushaqeynayeen asaga taana waxaa daliil u ah sida ay uga amarqaateen ileyn afweyne asaga ayaa soo kaxeeyey filim ayaad jileysaa ayaa ladhahay

  3. Ragaan waa lakhiyaameyey hunguriguna haddad horkacdo waa sidaas lakiin waxaan umaleynaya biljamku waddo cusub ayeey isku fureyn maxaa yeeley waxaan ognahay afweyne inuu shegey inuu kabaxay burcadda oo welibi yiri dhalinta ku jirta waan ka soosaraya ee biljamku waxay leeyihiin shaqada maad bilawdaan

Comments are closed.