Iska hor imaad ka dhacay degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa geystey qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhexeeyey Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab.
Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Degaanka oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab islamarkaana 18km u jirta Bakool.
Dagaalka kadib Guddoomiyaha gobalka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Dagaalka uu xooganaa waxaana uu tilmaamay intii Dagaalka uu socday in ay Dileen Hogaamiye ka tirsan Al Shabaab.
Majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan in Hogaamiye looga Dilay Dagaalkii Xudur ee Gobolka Bakool.
Halkan kaga dhegeyso Mobilkada
Daafeet.Com
dowlada xunta ah , gaboolka bakool waxa ka seexatay,,, masuul u hadlayana maleh gaboolkas, digil iyo mirifle dhamaan baydhabo keli ah ayay isu so kuusen oo ka hadlayaan,,, shabellada hose uma hadlaan, bakool uma hadlan, jubbada hose oo baydhabo 100 km u jirta mid u hadlaya amaa an xoreyno dhahaya maleh,,, runta an isu sheegnee digil iyo miriflow dhulka qofki al shabab ka xoreysto ayaa mamulaya, hadaba shabeelada hoose ciidamo u dira sida uga dhaqsiyaha badan sakow iyo bu,aalena an uga hormarno ahmed madowe, bakolna kuwa jooga dowlada ha loola hadlyo si AMISOM AMA ETHOOPIA u caawiso
Comments are closed.