Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa warqad uu u diray xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooaby wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay in kumannaan ciidammo ah oo ka socda Afrika lagu xoojiyo ciidamada AMISOM si looga hortago khataraha ka imaan kara Al-shabaab oo uu sheegay inay dib isku habeynayaan.
Ban Ki-Moon ayaa xusay in weerarkii ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen degmada Baraawe uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay saraakiil kooxda Al-shabaab ka tirsanaa oo ku sugnaa guri ku yaalla xeebta degmadaas.
Sidoo kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ka digay inay jirto baahi ku aadan dar-dar galinta tallaaboyinka melateri ee ka dhanka ah Al-shabab.
Ban Ki-Moon ayaa ku baaqay in ciidammo garaaya 4,400 askari oo ka socda dalalka Uganda Iyo Burundi la geeyo Soomaaliya labada sano ee soo socda; sidoo kalena loo baahan yahay in shaqaale saadka geeya iyagana lagu daro ciidamada la geynayo Soomaaliya.
Daafeet.Com