Boliiska Dalka Ugandha oo ka digey weerar ey qorsheyneyso Alshabab

0
63

ugandaCiidamada booliiska dalka Uganda ayaa sheegay inay heleen calaamado muujinaya in Al-shabaab ay doonayso inay weerarro argagaxiso ka geysato dalkooda, kaddib markii maalmo ka hor ay safaaradda Mareykanka ee Uganda ka digtay weerarro argagaxiso oo ka dhaca dlaka Uganda.

Saraakiisha booliiska Uganda ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in warar ku saabsan arrintan ay ka heleen ilo wareedyo ay ku kalsoon yihiin, iyadoo ay safaaradda Mareykanka ee Uganda ay digniinteeda ku sheegtay in weerarka uu noqon karo mid la mid ah kii Al-shabaab ay ka geysatay Nairobi.

Waa markii ugu horreysay oo ay booliiska Uganda soo saaraan digniin cas oo ku saabsan weeraro ay Al-shabaab ka geysato dalkooda, kaddib markii ay ka geysatay kooxdan dalka Uganda sannadkii 2010 weeraro ay ku dhinteen 79-qof.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa ku baahisay shabakad ay gaarka u leedahay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerar u qorsheysan sidii kii ka dhacay Westgate Mall ay la damacsan yihiin Kampala, balse safaaraddu ma aysan bixin warbixin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

Booliiska dalka Uganda ayaa xoojiyay goobaha muhiimka ah oo dhan, iyagoo furay goobo fara badan oo lagu wargeliyay shacabka inay u soo gudbiyaan xogahaha haddii ay la kulmaan wax ay ka shakiyaan ama khatar ah.
Daafeet.Com