Alshabab oo sheegatey iney ka dambeysey Qaraxii ka dhacay Beledweyne

0
37

alshababSarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay Idaacada Andulus ee ku hadasha codka Al-Shabaab inay masuul ka yihiin Qaraxii ka dhacay Baledweyne weerarkaasi uuna fuliyay mid kamid ah guutada qaraxyada ee Al-Shabaab.

13- askar Ethiopian ayeey Shabaab sheegeen inay ku dileen qaraxaasi, halka askar Jabuutiyaan iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ka tirsana ay ku dileen sida saraakiisha Shabaab ay sheegeen.

Kolka laga soo tago warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab, ayaa Wariyeyaasha meesha qaraxa uu ka dhacay tagay waxa ay xaqiijiyaan geerida ilaa 18-ruux oo askar iyo shacab isugu jira.

Ciidamada Ethiopia ayaa lasoo wariyay in qaraxaasi ay kaga geeriyoodeen askar gaarayaa ilaa lix askari, inkastoo saraakiisha Dowladda aysan xaqiijin taasi.
Daafeet.Com