Wararka eynu ka heleyno Gobolka Sh.Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lasoo dhigay Isbaarooyin kor u dhaafaya ilaa iyo 60 kuwaasi oo la sheegay in ay soo dhigeen Askar ku labisan Dareeska Dowladda Soomaaliya.
Askartan Isbaarada soo dhigatay inta u dhaxeysa Degmada Afgooye ilaa iyo Wadada isku xerta Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in ay dhibaato kala duwan u geystaan Shacabka kala duwan ee ku dhaqan Gobolka Sh.Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka Dhaqaalaha ee Gobolka Sh.Hoose C/fataax Xaaji C/lle Yuusuf oo la hadlay wabaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Isbaaro ka badan 60 la soo dhigay inta u dhaxeysa Wadada dheer ee isku xerta Magaalada Afgooye iyo Baydhabo waxaana uu tilmaamay in Jidgooyooyinkaasi ay soo dhigteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Militari.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com
ilaahey hanaqa qabto kuwan dowlad isku sheega ah oo dhibateynaya shacabka k/galbeed ee soomaaliya–
Waxaas oo dhan anagaa xabad ku qadeyno 100 dhalinyaroo boqol hore ayaan u so direyna wana sifeendona ileen isbaaro anaga naqaan haha tii dheered dhag iyo far aa ka dhici donto u fiirso hadu alla idmo
Hala i arko hala i qarshaa ka danbeen doonto cagtii jogsan weydo marbey ceeb lakulanta.
ASCW
awey askartiini reer Baydhabo waxad isku sheegteen inaad seddax gobal rabtaan inad Dowlad goboleed ka sameysan, wadadii Baydhabana Moriyaanka waa ka racdeyn weysantihiin, meesha Dowladii ma jirtee ee ninkii Xoog leh ayey xaajo u dhamaatay.
Ama riyada inad iska dhaaftiin war dadkiina dhinac ka raaca ee baadka iska dhiiba.
Kuwaas laguma tilmaami karo Ciidan Dowlad, ee waa mooryaan oo tuugo ah, Diinta Islaamkana waxaa ay u taqaanaa kuwaasi oo kale { Qudhaaca Dhuruq} Laakiin waa Nasiib darro, Nimanka Dhulka u dhashay ay Raganimo iskaga reebaan Tuugadaas aan haynin, oo maalin walba Dacwad ayey naxriis ka raadiyaan, anniga dhowr jeer ayaan u sheegay, in ay ayagu sameeystaan Ciidan iska reeba Mooryaantaas! Cidna idinkama reebeeyso? ee Iska reeba Cawaadka iyo daciifnimada dhaafa! Arimaha Gudaha waxba haka sugina mana idiin keeneeyso Ciidan, bal keenistooda Ciidan, ayaa Bookaba wada, oo uma dhalan Dhulka mana kanaxayaan, Wasaaradda aad sheegeysaana uma heyso Mushaar, waxaa u sii dheer QAADKA ay cunaan, oo DAROOGADA ah, War bal isku dayaba in aad dhalinyaro aad ka keentaan Qeybaha kala gaddisan ee arrimaha Bulshada,ee -Gobolka- gaar ahaan kuwa DHILANYARADA AH, hubna u dhiiba idinkaa arki doonee ?? Dacwo iyo Cabaad idinkama saareeyso ee taas Ogaada.
waxan layaabanahay dadka d/milifka oo hadal iyo cawad keleya kasoharay xiligii hadalka iyo cawadka waalaga tagayee dhulkiinaa isbaaro arsaaqada laidinka doonto intaat isku tashatiin masifeen kartiin oo karti iyo awood mauleedihiin hadii kale walaalayalow calaacalka badan is kadhaafa isdhiiwa sida reer banaadigaba isku dhiiwen iskudhiiwa oo sifiican laidinku gumeysto koley hadaba majeerteenka boosaaso idinku bilaaway
Comments are closed.