Diyaarad siday dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradaan oo Dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Gobalka Hiiraan si loogu soo qaadayo dhaawacyada dadkaasi ayaa barqadii maant ay kasoo dagtay Garoonka Muqdisho.
14-ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa lasoo qaaday, iyadoo uusoo raacay dadka dhaawaca Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo Muqdisho la yimid dadkaasi.
Isbitaalka AMISOM ee xalane ayaa lagu dabiibayaa xaaladooda caafimaad, dadkaasi oo dhaawacyo kala duwan.
Daafeet.Com