Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya inay u gurmadaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Baladweyne shalay oo Sabti ahayd.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Baladweyne uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha ka socda gobolka Hiiraan, isagoo ku daray hadalkiisa in Al-shababa ay awooddoodu aad u xumaatay.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalalka saxiibada la ah Soomaailya ay waddo dadaal lagu xoojinayo ciidammada xoogga dalka.
Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay oo ma’suuliyaddiisa ay Al-shabaab sheegatay ayaa waxaa ku dhintay 19-qof oo qaar ka mid ah ay u dhinteen dhaawacyo soo gaaray, halka ay 40-qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.
Daafeet.Com