Inkasta oo aan waxbarashadu lahayn da’ oo qofka uu wax barasho dib u bilaabi karo kolkii uu doono ayaa waxaa hadana lama huraan ah inay jirto fursad uu qofku wax ku baran karo iyadoo ay aad u wanaagsan tahay Inuu wax barto qofka xili kasta ee daruuftu u saamaxdo, waxbarashaduna waxa ay u baahan tahay go’aan iyo samir oo kaliya sida ay hoosta ka xariiqday Ayeeyo Ubax Cumar Gaafane.
Ubax Cumar Gaafane Waa Ayeeyo 48-sano jir ah hadana ka qalin jabisay Jaamacad ku taal Hargaysa, imikana niyad u leh in ay waxbarashada sii wadato oo samayso shahaadada heerka labaad ee jaamacada.
Halkan ka dhegayso WaraysigaMaxamed Kaafi iyo Warbixin Ubax Cumar Gaafane