Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobollada Bay iyo Gedo ayaa waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso Al-shabaab.
Wararka laga helayo degmoooyinka Bardaale ee gobolka Bay iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadan oo lugeynaya ay shalay gellinkii dambe ka baxeen degmooyinkaas iyagoo ku wajahan Waajid.
Halkan ka dhegaysoHowlgal ciidan oo ka milowday Waajid