Darawalada ka shaqeeya wadada isku xirta Muqdisho iyo Beydhabo ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in baabuurtooda ay iska dhigeen degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose kadib kolkii ay garaysadeen in aysan bixin karin lacagaha Baada ah ee looga qaadayo wadadaasi.
Qaar ka mid ah Darawalada ayaa Warbaahinta u sheegeen in tirada Isbaarooyinka cusub ee la soo dhigay wadadaasi ay gaarayaan 12-13 iyagoo sidoo kalena sheegay in Jid gooyooyinkaas ay u yaalaan Ciidamada milariga dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn darawaladaan ayaa ka codsaday madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka hesyta Isticmaalka wadadaasi gaadiidleyda ka howl gasha wadada isku xirta Muqdishi iyo Beydhabo.
Halkan ka dhegayso
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkada
Isbaaroyinka shabelaha hose Mobil
Daafeet.Com