Taliyaha Booliska Somaliyeed C/xakiin Daahir Saacid ayaa waxa uu saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo kana warbixiyey safarkii uu ku gaaray magaaladaasi.
Sareeye Guuto Saacid ayaa waxa uu sheegay inay Baydhabo u tageen sidii ay ugala hadli lahaayeen saraakiisha ciidamada Dawlada ka shaqeynta Nabad gelyada ayna ku socdaan amarkii madaxweynaha kormeerida gobollada dalka.
Waxa uu sheegay in 34-sano ka hor ay ugu dambeysay Baydhabo kuna amaanay isbadalka ka jira dhinaca nabada magaaladaasi kuna dhiiri geliyey wax ka qabashada baahida Bulshada oo Amaanka ugu horeyso.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Taliyaha Cidanka Boliska Mobil
Daafeet.Com