Dhowrkii Bilood ee ugu dambeeyey gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka soconayey Howlo balaaran oo isugu jirta dib u dhis iyo balaarin lagu sameynayey Masjidka Jaamaca ee Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baardheere oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 320sano oo ahayd xilligii Baardheere la degay,iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin iyo dib u habeyn.
Shariif Maxamed Nuur oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Jaamaca ee Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey,isagoona dhinaca kalena u mahadceliyey dadkii ka qeyb qaatey Dhismaha Masjidka oo ku kala nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa.gaar ahaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ka soo jeeda Magaalada Baardheere sida kuwa degan K/Afrika, Minisota,London iyo Swedan.
Shariif Maxamed Nuur ayaa waxaa uu intaasi ku darey howsha dhismaha Masjidka oo haatan mareysa wejigii 3aad ayuu sheegay dhismaha masjidka in ay ku bixi doonto lacag dhan $320,000,oo Dolar,waxaana uu tilmaamay lacagtaasi 75% in la yaboohay,halka inta dhimana ay ka sugayaan Qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.
Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena( SCW)uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.
Si waxii aad sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Accounts ka lacagta sadaqada la dhigayo oo ah Dahabshiil Account No.MUQD0009555 ama Email ccwardheere2003@yahoo.com.
FG:waxii kale oo faahfaain dheeri ah la xariir telefonada Qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga dib u dhiska Masjidka Jaamaca Baardheere oo kala ah.
1 -Shariif Maxamed Nuur +25261-5843440
2-Maxamed Aden C/lle +252615882491
3- Cali Max,ed khaliif(Cali daqare) +25261-5576221
4- Aden Xasan Cilmi +25261-5812950
5- Sheekh Shukri xuseen +25261-5858174
6-Sh.Ibraahin Sh.Mursal +25261-5853967
7-C/risaaq Xaaji Cambe +25261-5853765
8-C/laahi Seylaci Sh.C/risaaq. +25261-5811666
9-Faarax Hire Guhaad +25261-5863897
Axmed Cumar Saalixi
Wadajirradio,Baardheere/Gedo