Waa hubaal in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inteeda damiirka lihi ay maanta qaadatay nidaamka Fedraalka oo ah kan ugu dhow nidaamyada jira caalamka ee ay ummadda Soomaaliyeed burburkii iyo kalatagii siyaasdeed ee ka dhashay dagaalka sokeeya kadib noqonkara mid isusoo duma mar kale soona celiya is aaminaadii iyo weliba wadanoolaanshihii horay uga dhexeyn jiray ummadda.
Inkasta oo aan maqaalkeena ahayn mid aan uga hadlayno nidaamka fedraalka ayaa waxaa hadana lama huraan ah in aan wax yar ka ifino nidaamkan fedraalka iyo marxaladihii uu soo maray isla markaana aan daaha ka rogno in aanu ahay mid ummadda Soomaaliyeed ku cusub amaba haatan bilowday amaba loo sababiyo dagaalka Sokeeye amaba kuwo hada maamul sameeyay sheegta inay yihiin hooyada Fedraalka balse waxa uu ahaa nidaamkii ugu horeeyay ee ay Qawmiyada Digil iyo Mirifle iyo xisbigeedii HSDM ay u soo bandhigeen beelaha kale ee Soomaalida sanadkii 1947 arkayayna waxa maanta oo aan joogno 2013 ayan weli arag beelo nolosha ka arkay inay ku dulnoolaadaan beelo kale.
Inkasta oo beelaha maanta diidan nidaamka fedraalku ay yihiin kuwo aad u yar ayaa waxaa hadana jira kuwo kale ku hami weyn in nidaamkan fedraalka ah ay si khaldan wax ugu raadiyaan oo u isticmaalaan iyagoo markaana u dhigaaya hadba sida ay doonistoodu tahay balse labadan kooxood ee fedraal diidka ah kolka laysku soo daro ayay waxay ummadda ka yihiin wax aan haba yaraatee soo qaad iyo sheeg sheeg midna leh.
Sida aan korkusoo xusnay labadan kooxood waxay ka simanyihiin damaca ah inay ku dulnoolaadaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed sida Shilintu(Gafane) ay ugu nooshahay dhiiga neef ay dulsaarantahay.
Hadaba qof nool imisaa la saarnaan karaa dushiisa isaga oo aan raali ka ahayn hadaan soo koobo waa waqti gaaban.
Hadaba iyadoo nidaamkan fedraalka ah ee laqaatay maanta uu yahay sharci ay Soomaalidu ku heshiisay ayaa waxaa hadana muuqda in ku dhaqankiisa jahwareer la gelinaayo si aanu nidaamkan ahayna loo turjumaayo misna loogu adeeganaayo.
Akhristaha qiimiga iyo sharafta mudanow bal ila fiiri qaabka dowlada fedraalka ah ee Soomaaliya u maamushay maamulka hoose ee gobolka Shabeelaha hoose,
1- Guddoomiye kuxigeenka Nabadgelyada Axmad Cumar Maxamed (Ceyr, H/gidir, Hawiye) kanasoo jeeda degmada Guriceel gobolka Galgaduud.
2- Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada Cumar Max’ud Cilmi(Murusade/ Hawiye) kanasoo jeeda degmada Ceelbuur gobolka Galgaduud.
3- Guddoomiyaha Samafalka Gobalka Yuusuf Max’d Cabdi(Ceyr, H/gidir/ Hawiye) kanasoo jeeda degmada Dhuusa mareeb caasimada gobolka Galgaduud.
4- Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Samafalka Gobalka Cusmaan Maxamuud (Abgaal/Hawiye) kanasoo jeeda deegaanka Biyo-cade waxa uu ku yaalaa duleedka degmada Jowhar Gobolka Sh/Dhexe
5- Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Samafalka Gobalka C/laahi Daahir(Murusade/Hawiye) kanasoo jeeda degmada Ceelbuur gobolka Galgaduud.
6- Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka C/laahi Cabdi Faarax(Ceyr, H/gidir, Hawiye)kanasoo jeeda degmada Dhuusamareeb caasimada gobolka Galgaduud.
7- Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Ikraam Axmad Gacal (Murusade/Hawiye) kanasoo jeeda deegaanka Galhareeri degmada Ceelbuur gobolka Galgaduud.
8- Isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka Salaado Max’ed Cusmaan, (Murusade/Hawiye)kanasoo jeeda deegaanka Galhareeri degmada Ceelbuur gobolka Galgaduud.
9- Xisaabiyaha guud ee Gobalka Max’ed Cali Muumin(Salemaan, H/gidir, Hawiye) kanasoo jeeda degmada Cadaado gobolka Galgaduud
10- isuduwaha wasaaradda Beeraha C/qaadir Faarax(Ceyr, H/gidir, Hawiye) kanasoo jeeda degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud
11- Maareeyaha Dhulbixinta Gobalka Cabdi Yare(Ceyr, H/gidir, Hawiye)kanasoo jeeda degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud Iyo kuwo kale oo aan soo bandhigi doono.
Ma waanu dastuurka fedraalka ah ku qodobaysnayn in maamulka goboladu uu kasoo dhismo degmooyinka gobolka ee degmo ahaa 1991gii ka hor sidoo ay tahayna degmooyinku sow ma ahan inay kasoo dhismaan tuulooyinka la deganyahay ee hoosyimaada degmada sow halkaasina kuma harin(Xerooyinkii barakacayaasha sida tii Xaawa Cabdi,Ceelasha Biyaha,Lafoole iyo kuwo soo raaca ee qaab xeeladaysan lagu degay wixii ka danbeeyay 1991dii).
Hadaba hadii uu xaalku sida aan soo sheegnay uu yahay waaba yahaye!
Ragan xilalka ka haya gobolka shabeelaha hoose ee aan kasoo jeeda gobol iyo degmooyinkiisa midna sida uu maamulka Madaxweyne Xasan Shiikh uu arkiwaayay sow ma ahan su’aal isweydiin mudan oo weliba meesha kasaaraysa Oraahda uu madaxweynaha meel kasta uu ka sheego ee ah Dhulka waxaa xukumaaya kan degan misna deganaanjiray ku haysta Xoolo,Beer amaba mehrad lagu yaqaanay sida Kaluumaysatada,Dabatada iyo muruqmaalka magaalooyinka,Sidoo kalena Gudoomiye Jawaari inuu sharci soo saaro Ra’isulwasaare Saacidna ka indha qabsado sow “Dhumeey uuw i dheh maaha” War iyo dhamaantiis kuwa geed aan qarin ku dhuumanayoow waa idiin aragnaa kuwa hiilada u ahoow hiilkiina ba’!!!
Abdiaziz ShSalah
Wadajirradio Atlanta.
Somalia xalkeeda ma dhowa hadiiba dawlada hawiyaha ay sidaan aaminsan tahay in wax u socdaan. Insha-Allah aygana waxba uma toosayaan. Dhibaatada Soamlia waxa soo sococtay 23 sanadooda waxaa si dhiman 50 sandood kale.
hadal badan haan mabuxshee meeshan horta wax dowlad ladho maba kajirto dowlad iney jirto waxaa rumeysan kuwa maan gaab ah arinta hada mataakna kashifaad iyo dhaleecen arinta hada wexey taagan tahay qaniinsho qaniinsho ayaa kaafojiso waa ujeedan in dowlad ku sheegan axamed madowe dhulboob sidey suwax walba loobaryo oo wasiiradii jilbaha haysta isna maruxiro iyo mar uu eryo maka idinka iskutashta
runtii ma jirto Wax dowlad ah waxa jira dad ku qarabanaya magacaas oo wata hab qabiileysi iyo boobki ay caanka ku ahaayeen,waa in la iska ilaaliyo qiyaanada ay ku hayaan shacabka soomaliyeed..
dowladan inay jirto waxa amisan kali ah digil iyo mirifle gaar siiba aw digil war dowladan hal gacana wa la isaga celiya gacana wa lagu tagera somalida dhan sas aayay sameynayan,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
aw digil cashuun lagu aadimo iyo geri la dido dhibkan ayay keentay,,, MURANSADE oo boon ah wax ka dhaqan xun jirin gabdhahaga ha maamulo oo haduu rabana ha korkoro haduu rabana ha daayo xanuun wlhi.
A/aleykum abdulcasiis waxaa yaab ila ah aaway dadkii degaankaan lahaay ama sheeganaayay ma hurdaan mise waa dhamaadeen sow ma oga awoowayaadhoda inay dhulkaan soo difaacdeen ayna horey u diideen waxa maanta ka socda meesha ragan maanta sugaayi in rootiga loo canjaliyo oo liqaan suura gal maaha hadalkaaga waa run laakiin dadka aad la hadloosid waa indhoole dhigoole aan wax fahmaynin mahadsanid
Comments are closed.