Sir Culus..Salaadiinta Digil oo ku balan furay Shacabkooda.

31
91

SaxBaaris dheer iyo Xog urursi badan oo ay iska kaashadeen Daafeet.com iyo Wadajirradio Atlanta ayaa waxay ku ogaadeen in dhibaatooyinka loo caal waayay(Maara-Waayay) ee ka jira gobolka shabeelaha hoose ay mas’uuliyadeeda leeyihiin madaxda dhaqanka beelahan Lexda ah ee dega gobolka Shabeelaha hoose iyo Xildhibaanadooda.

1-Warsame Caliyow Ibrow suldaanka Jiido

2-Buuwe Cabdulle Buuwe Suldaanka Begedi

3-Siidoow Maadoow Suldaanka Shanta Caleen

4-Cismaan Axmed Cabdi Suldaanka Geledi

5-Aadan Cali Macalin(Biniin) Suldaanka Gare

6- Suldaan Haydar Sufi Munye  Suldaanka Tuni

Xogtan sida wadajirka ah aan u samaynay ayaa waxaan xooraansi ka dib ku ogaanay xaalada ay ku sugan yihiin Salaadiintan Shanta ah,Howlaha ay ka hayaan magaalada Muqdisho,qaabka ay ugu nool yihiin magaalada,Halka ay ku noolyihiin iyo waliba dadka ay ku xiran yihiin ee amaankooda iyo noloshooda gacanta ku haya.

Sidaa si lamid ahna waxaan xogag kuwan la mid ah idiinkaga haynaa Xubnaha Dowlada ku jira(Golaha Wasiirada,Baarlamaanka,Ciidamada,Howlwadeenada Wasaaradaha iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka iyo Gudoomiyahooda) ee kasoo jeeda beelahan Lexda ah ee reer Digil ee dega gobolka Shabeelaha hoose iyo Shaqsiyaad Siyaasiyiin ah oo magac ku leh bulshada oo iyaguna aan heyno cadaymo dhab ah oo maqal iyo muuqaaba leh oo dhamaana aan soo wada bandhigi doono.

Xogahan oo in mudo ah socday ururintooda ayaa hadii ALLAHA awooda leh uu idmo todobaadka soo socda waxaan ku soo bandhigi doonaa Salaadiinta aan magacyadooda kor kusoo xusnay,todobaadka xigana Xubnaha Dowlada waxaana ku soo afmeeri doonaa shaqsiyaad magac ku leh bulshada gobolka kana soo jeedo Shantan beelood ee reer Digil oo iyagu dega gobolka Shabeelaha hoose.

 

Abdiaziz Sh salah.

31 COMMENTS

  1. Masha allah waa wax ansugaynay in an helno dhibka iyo isnaroyinka mesha ay kasocdan waana kaga mahadcelinena wllka sare abdiaziz shekh sahal sida wacan ad nogu so arusidid war wax gal leh siltana sotabinteda allah waqti kusiyo allahana kufududeyo wanka sugena wankasugena hadi anahay dhalinta digil iyo mirifle kana sojedo g/shabelada hose mahadanid

  2. Waa wadadii lagu xalin lahaa dhibaatooyinka ka jiraan Shabeelaha Hoose ee la fahmi waayey meesha ay ka socdaan iyo cidii abuurtay. Hawiye nooc kasta ah ee ku sugan Sh/Hoose waxaa ku haayaan kuwan suldaamada lagu sheego ee magacyadooda kor lagu soo xusay. Hore waa loo ogaa in dhul beereedkii Jiido iyo Tuni hore looga iibiyey Hawiye (habargidir/Mursade), gudoomiyaha gare ee sh/hoose asagana waxa uu gobolka ku soo hogaaminaaya hawiye cusub. Suldaanka gare waxa uu aaminsan yahay in gare ay yihin hawiye. Midka Begedi waxa uu xiriir dheer la leeyahay aqoonyahno beereed ee habargidir sacad ah oo doonayaan in dhul beereed iyo qeybo waxbarasho ku yeeshaan deegaankasi,fadlan wadajirnews radio inoo soo saara warbixinada inaga sugeyno waad ku mahadsan tihiin xogta sirta culus aad noo haysan

  3. Asc waxaan layaabay shalay ayeey aheed markii aad adinkoo lix da gobal dhisanaaya aad ku ka la kacdeen adinkoo wax kastaba aad close ku eh aad mirifle kaligiin in aad aduunka oo dhan is ku soo jeediseen waxaan gudoomiyaha baydhoba ku hishiin waayay maa ku heshiinaya Lixda gobal ee walaala yaal maxaad u jeceshahiin in aad dadka walaalkiin oo naftooda maalkooda niihuray in aad caysaan wali mirifle maxaa digil caytantiisa nii tusay war maa iska celisaan Kuwa markasta nii haysataan war maba lahidiin damiir waryaada maxaa wax niigukiin daray midgayoow hadana mawaxaa keen teen in aad suldaamadeena caysaan waxuush Aan Lagan waxuushneen war intaan kabadan madulqaadan karno ee Aan ku kala baxno adinkabo moorayaanta wax ma dhaantaan ee nadaaya mariflow bal meshaad gaarto Digil la antiis.

  4. Masha Allah Wll Aad IYo Aad Ayaad noga FArxisay Sida Quruxda BAdan Ee Aad u Soo Ugatay Celada JIrta, Anagana Waxaan Lenahay MAxey La kici Layihiin Odeyyashi Beesha iyo Culumada IYo Dhalinta Ilen Waa Dad Aqoon yahanadooda Hotela Ku Xareysan Oo La Dhahay Cuno Caba Ee Ha HAdlina MArka HUganka Hadow Qaldamo Raciye Wax KUma YAlo Marka Waxan Leyahay kuwa MAtala Digil Ee KU jira Hotelada Noo Radiya Telefanadooda iyo Waxii LAgala Xiriiri Karo KUwas Ayaa Dhisid U bahan KA dib Ayow deganka KAcaya Ilen Xal KAle MAleh

  5. ilaahay kheyr badan ha ku siiyo wiilka soo qorey ee wadaniga digil iyo mirifleaha ah, teeda kale hadiinin walba meeshuu ku sugan yahay iyo wuxuu qabto la ogaan lahaa digil iyo mirifle, gaar ahaan digil guul ayuu gaari lahaa waa tan maanta keentey in tuugii habir gedir uu yiraahdodigil iyo daama la ina yiraahdaa. waa iney cadeeyaan shantaan iney digil iyo daama kamid yihiin amadigil iyo mirifle ayaisla dhasheen.

  6. Asc
    Salaam kadib, waa wax jiro arimaha aad ka hadashay,odeyaasha dhaqanka ee beelaha sh/hoose waxay la shaqeeyaan mooryaanta H/gidir sida Yusuf Indhacade, Jaamac Balow, Cirfe oo hadda carro gedis u jogo Galgaduud iyo kuwo kale.
    Waxaan marag ma doonto ah in dowladda madaxdeeda raali ka tahay in la dhibaateeyo shacabka Sh/hoose. Waan ogsoonahay in beelaha qaarkood hubkooda u qaateen si ay dulmiga iskaga fogeeyaan sida Biimaal. Beelaha kale ee Sh/hoose waa inay hubkooda qaataan si ay iskaga dulqaadaan dulmiga lagu haayo.
    Maalmahaan waxaa soo if-baxday Isbaarooyin ay dhiganaayaan mooryaanta H/gidir iyo Abgaal, kadib dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay wadada ka baxda Afgooye ee sii marta KM50 ilaa MARKA waxaa suurta gashay in mooryaanta ay ka soo wareegsadaan dhulkaas oo ay u soo wareegaan wadada xiriiro Afgooye iyo BAY, waxaa meesha ku cad in nin Biimaal dhulka ay degan yihiin mooryaanta Isbaaroleyda ah ay ka soo carareen, xataa waxaa suurta gashay in ASKAR H/GIDIR ah ay mari weyso wadadaas cabsi ay ka qabaan in la dilo.

    Odeyaasha Xamar ku sugan ee reer Digil inaad laga adkaado waxaa ka horeyso in la helo dhalinyaro DIGIL ah oo Isbaarooleyda H/gidir iyo Abgaal ka soo xaaqo wadada xiriiriso Afgooye ilaa G.BAAY.

  7. to MALAAYA A DOOR xaasidnimo hadey faaido leedahay waa tan maanta digil halkan dhigtay,,,,,,,,,,,,, nin digil ah oo walalkiisa dura waa arkeysa lakin nin digil ah oo qaadiyadiisa iyo dadnimadiisa ka hadlaya ma arkeysid haduu jirana waa dad ad u yar,,,,,,, war dadkii biyaha ka iibiyay si aad u bara kacdo gabadhada qasab ku kuursadey wiilkaagana cadooon ka dhigey oo kalsonida ka dilay,,,,,,,,, iyo walaalaha mirifle hadad isla meel dhigtay walahi mid an kugu la yabayo mahan ,,,, 30 sano oo hada ka dib ah hadii magaca digil somali laga wayn wayo meeshan ka tabto iska gooy hadadan fakarkan wada aminteen wax ka badalin , murunsde iyo habar gidir hadad maanta gacal moodey walhi waa kugu keliga lkin insha lah DABARE iyo shanta CALEMOOD waa jiri doonan intay somali jirto waayo kuwaas waxay amisan yihin iney kaligooda maamushtan deganadooda lakin digilkan kale ee riyaawadan nolol moodey , we shal see,

  8. shacabweynaha Dighil aawey ,mise wuxxu noqdey wax aan jirin o shan qof ama lix qof gadan karto ayuu noqdey? Dighil muxuu isku difaaci la’yahay mise wuxuu sugaayaa 6 lix qof ineey u hadashi, u dagaalanto, lacagna u dhiibto una dhinto? taas haddii uu Dighil sugaayonasiib darro waaye. Dighil waa inuu is xureeyaa uu dhulkiisa qabsadaa. 22 sano iyo ka badan ayaa la heysaat dhul Dighil ma haddaa la qabsadey? Dighil haddusan kicin uu is difaacin 6 ama 10 ama 20 suldaan ma difaaci karto. hadduu Dighil qabsado dhulkiisa 6 suldaan iyo wax u dhow wax kama halleyn karaan. Dighil wuxxuusan diyaar u ahayn inuu is difaaco nasiib darro cawaad ma fiicnee haleys abaabulo ciidan hala sameeyo hana la dagaallamo

  9. Ma filaayo in ay ma teli karaan 6malaaq oo calooshooda ku aqli ah iyo xil dhibaano ay ayagu geesteen laakiin digil waxey leeyihiin malaaqyo wnaagsan iyo aqoonyahan iyo culama udiin dsmeerlah oo ka talin karo masiir digil iyo mitifle waana soo dhaweynaya warbixinta oowaqti badan ku bixi seen waadna ku mahadsantihiin

  10. waxan ahay wiil diyaar u ah in uu dadkiisa iyo dhulkiisa iyo diintiisa difaaco kana qabto dadka kusoo duulay iyo shaqsiyaad gaday dadnimadooda iyo nasabnimadooda waxaan huwaa in dhalinyaro aad iyo aad u tirabadan naftood hurayaal ah in ayjiraan oo reerdigil ah hada waxaan sugaynaa hadaan nahay dhalin yaro in aan kaxureyno xaywaanada dulmiga nagu haayo waxaan ka codsanaayaa dhalin yaro reer digil in aad u istaagtaan sida aad u xurayn lahaydeen dhukiina iyo dadkiina cid idiin xuraynayso malahan hadaadan xuraysan

  11. To:Malaya a door SAx Digil anaga Dhan Ayaa Ah Mesha MA Talo Mirifla San Waye Iyo Wax KAle Mirifle Waa Dad JIra Ee Digil Away MAxey La jiri Layihiin Digil Waxow NAqan Doona Sidii Ajuuran Camal HAdeysan Sadaan Isku Dhaamin MArka Adiga Waxaan Arka Inadan Aheen Digil Waa MIrifle Ee Waxaad TAhay Rufiyaan La SOo Dirsaday Dhiig LAwaha OO Dadka KU Jira Waa Adigo Kale Qadkaan IYo Webka Ayaan Lagugu Uguladay Qalad Noocagu Kale Ayaan HAmiga Dadka KAga Dhelayo

  12. waxa la fahmi waayey waxa ku dhacay reer digil lakin walo baahan yahay in la ogaado dhabta jirta iyo sida loo laalushayo malaaqyada kor ku xusan..horta shacabka ayaa ka badan kuwan doqomiinta ah wa in ay yimadan hogamiyayaaal cusub oo digil uu yeesho si looga gudbo dhibka ka socda sh-hoose..

  13. waa warbixin muhiim ah waxayna ubadan tahay arintan inay wax ka jiraan aniga waxa tusaale igu filan dadkan isku sheegay malaaq ama suldaan amaba ugaas ilaah baa idiinku dhaariyee nin waliba malaqisa ama suldankisa amaba ugaaskisa wuu yaqanaa e midkoodna ma yahay waxa ay sheganayaan kuwan magacyadooda mesha lagu xusay walalayaal arintan iyada ah yan la fududeysan ee haloo kaco sidii wax looga qaban lahaa waa mahadsan tihiin

  14. waaidinsalamay Dhamaan Bahda Utagan Iney Walalahoda Waxfahansiyan wadna Kumahadsantihin Laakiin Saxibayalow Darad Anaga Waxan Noqonay Hawiye Dagaalki Siyadbare Ama Andhao Daarod Hada Goormaan Kabaxnay Hawiyihii Aan Shaley Aheyn Midakale Anaga Hadan Nahay Mirif Dhulkeena Waalayaqaanaa Sida Bay Bakool Intakale Waanalooga Badanyahay Tusale Ahan Juboyinka Waxan Kadegnaa Saakow 1 degmo Murankamatagna dadka Naladega Wey Nagu ixtiraman Laakiin Baardhere Waanalagaxogay

  15. Waxan Kutalin Lahaa Hawiye Daraaduu Dagaal Nageliyay Waaogtihiin Dhibaatadii Aydiid Bay iyo Bakool iyo Dhul Raxaween Kageeystay Mailawden Farabadn Wuxuu Kasameen Jiray baydhabo Dulanka Aan iskadhafno Anagana Nalama Dulminaayee Digilna Kasamra Mirif Haiskutashado isaga Haloosoodacawoodo Soomaali Markey isqabsato AniskadeynoJuba Anagale Shabela Anagale Melaha Nalogabadanyahay Anqadano Wixinalogaogolyahay Anagana Meshankubadanahy Sidas Anyelno Waarayigeyga Wabillahi Towfiq

  16. maxamed sidii, ragnimadaas ad u hadashay aya laga la,ahay digil inay u hadlan kaana dhabeeyaan,,, anaga mirifle ahan cidin waa idin ku caawinayna marka dhuulkina gacanta ku dhigtaana waa walaweyn idin so dhaafi mayno gaboolkiina dinka maamushta sida umadaha oo dhan u maamushtan dhuulkooda,

  17. wixii CAYR ah oo dibada jooga waxay ku heshiyeen inay SHABELLE HOOSE guriyo iyo dhuul ka iibsadan,,,, inkasto hada xooga xawaarihii badna ay joojiyeen kadib markii dhalan yarada BIIMAAL iska so caabiyeen lakin AFGOI iyo Baraawe iyo qooryooley aya u birtumanayaan,, aw digilna sidii baruur inta la cunaya ayuu sugaya

  18. in beel la sheego waa xaaraan
    hadan odayaashii digil in laga been sheego waa fal dambiyeed kale
    teeda kale yaan sumcada laga dilin web page-kan magciisa astaanta u yahay degmo ay degaan shacab qiimo ku leh qowmiyada digil iyo mirifle dhexdeeda, waana degmada daafeed

    wararka la qoraayo si fiican halooga fiirsado waa talo soo jeedin

    waa run salaadiinta xamar wey joogaan, maxay u joogaan hubso howsha ay u hayaan qabaa’ilada ay mathalaan.
    markaad u gaato howsha ay hayaan waa inaad si degdeg ah ugu soo sabeen xirtaa, hadii aad soo sabeen xiri weysid waxaa cadaaneyso inaadan xog haynin oo aad iska maagtey odayaasha, dambiga aad ka gashey odyaasha jawaabtiisa waad heleysaa hadii ilaahay idmo

  19. War ileyn tanoo kale ninka ali watow hadii aad kasoo horjeedo waxa lagu qorey halkan bal adiga inoo sheeg waxa ey ku mashquulsan yihiin odayaasha marka deegaankii uu noqdey deegaan qof walba u haqan taago ayagana ey ka aamusan yihiin nagaba daa nimankan wax qor qora ee adiga waxaad noo sheegtaa 22 sano ee lasoo dhaafey odey digil waxa uu umadiisa u qabtey.

    Teeda kale waxaad leedahay in beel la sheego waa xaaraan sow ma ogid in somali ay ka kooban tahay beelo beelaha digil iyo mirifle hadii laga dhawaajiyo waa xaraan kuwa kalana waa xalaal miyaa waxaad u eg tahay qof ka baqaya beesha uu kasoo jeedo in lagu cara baabo ee bal dib isugu noqo horta isana soo sax

    Weligaa xaq daro dad haku difaacin digil waxaa dandareeyey odayaashooda xildhibaanadooda iyo wasiiradooda dhul digil sida uu hada yahay ma noqdeen hadii ey u istaagi lahaayeen xaqooda

    • iska hadal looma hadlo
      taariikh iyo xog ogaalnimo ayaa wax lagu saleeyaa taariikhda waxaay sheegeysaa deegaanada digil iney difaaci jireen salaadiinta oo ayna ugu horeeyaa salaadiinta geledi
      gun (qabiil)ayaa difaacata dhulkeeda salaadiin hogaamin ayaa laga rabaa shaatiweynow warkaaga waxaan u fahmay inaad tahay cadow digil sababtoo ah waxaad garab siineysaa caasi waalideyn waalidkiisa caynaaya adigu maba tihid digil ileyne.
      tan kale siyaasi waa la dhaliili karaa ceeb ma ahan oo wuu jiri karaa mucaarad wax dhaliilaayo laakin in loo gefo suldaan waa ceeb

  20. Waa arin u baahan in ummadeena ay ogaato, ayna iska qabtaan shakhsiyaadka ku sifoobey dhib abuurka digil iyo mirifle

  21. waa arin wanaagsan gumeysi ku bedel xurnimo lakiin markaad weerer qaadeyso waxaa haboon in la joojiyo indha caro isaga shubka shabelaha hoose waa gobol digil hadaad mirifle tahay waa inaad gobolkaas aad u texgelisaa digil runtiina aayahiisa kala tashataa ee ma aha in aad u dhaqantaan qolooyinkan dhul boobka oo kale waa iney jirtaa is tex gelin, walaalayaal bay iyo bakool iyo geddo oo la xalaalestay waan kuu aqoonsanahay lakiin gobolkaan ii aqoonsanaaw igalana tasho aayahiisa lakiin hadaad igula dhaqanto kan aan hada la dagaalsanahay oo xabada naga dhaxeyso haygu noqonin aniga waa in ay jirtaa madaxbanaani buuxda ee ma aha isku tumasho gumeysi ku bedel gumaysi mayeelayo hadaan digil ahy waxaa iga go an in aad u dhinto dhulkeyga

  22. to, HASSAN SXB baardheere xita hadii laba mar keli ah dab la wada qabad siin laha walhi mareexan tooka labaad inuu guri ka dhisto kuma so dhiiradeen mida kale MAREXAN asagoo dowlad ah aya hada ka hor mar waabsadey digil iyo mirifla bay degan,, laakin maanta la joogo walahi mareexan kuma aado laba laaf oo mirifle ah lakin dadkeena ayaga aya is duleeyey oo niyaystay dulinimo sidaa maantaba ay heysato walalaheena DIGIL,,,,,,,,,, war indho run ah hadii laga arko wlhi cid xoolahaga xoogi karta mel,,,,,,,,, mida kale digil iyo mirifle xaasidnimada dhexdooda ah ha iska daayaano oo wax ha iska dhiciyano hadaysan iska dhicin karina na daajiya meelaha xududaha ah,,,,,,,,,,, iska ilooba inaad darood iyo hawiye keli ah maskax ka sugtaano idin adegsadan

  23. DIGIL wuxuu ku sugan yahay xaaladii FALASTIIN dhuulkeeda lagula wareegey oo manta jiilkii falastii waxa dhuulkooda iibsadey ama dayacay abayashooda digilna intan DABARE iyo shancatcaleemood ka aheyn waxay ku sugan yihin xaalad isir sifayn ah,,,, marka hada iyo dan an naf iyo maalba an u xorno walaalahena digil kuwa cadowga ka so horjeedo, kuwa cadowga u dabadhilfayana xabada ayaga halaga bilaabo sidi kuwii miriflaha ahaayoo caydiid la jiray oo kale.

  24. ASW dhamaantiina. Meesha horta warbixin kuma qorna, hadii la soo wadan laga feejignaado dhibaatada ay keeni karto. Odoyaasha in badan ayay isku dayeen in maamul dhisaan, isbaarona qaadaan, inta aan ogahay Suldaan Warasame si geesinimo ayuu uga hadley xitaa canaantey hogaanka dalka. Marka yaan la isku qasin sheekada.

    Digil dhul xoreyn ayuu u baahan yahay, waan in dhalinyaro ilaa 2000 sida ugu dhaqsiyaha badan leh ay isugu geeyaan Daynuunay si loo soo tababaro loona qalabeeyo, ka dibna ay safeeyaan isbaarooyinka. Runta kooxda burcad dhuleed isbaaro ayay ku jooogaan waxkale kuma joogaan.

    Naftu halmar bay go’adaa iney si sharaf leh u go’do ayaa la qaata, inta ruux ka soo hayaamey Dhuus-Mareeb iyo Gaalkacyo rasaas gaariga idinka saaran tihiin idinku furayo. Qaadicul Dariiqa diinta ayaa qabta in la iska qabto, lana salbiyo. Lix hadii aad geed ka soo raaricsaan wale ineysa waligood soo laaban.

    Mid Miriflaha dhibaato ayaa heysato, waayo dhulkii Gedo maamulkiisa Marexan ayaa la waregey, walow aysan dad meesha ku heynin. Itobiya ayaan mas’uul ka ah, waxay soo dejisey laba laf oo Mareexaan, mid Doolow la dajiyey midna Luuq si Itoobiya u fiirsato danteeda, halka Macalinweyne, Gasaargude, Gawaawin, iyo inta kale beerihii xooga looga qabsadey lagu xamaashto sida tan Digil heysata oo kale.

    Gedo ciidan ku filan waa loo haayaa, balse Alshabaab ayaa meel kasta daadsan. Ceelwaaq waa in Gare soo ceshadaa, Luuq waa in Macalinweyne, iyo Gasaargude soo ceshadaan, Baardheerana Hariin, Geelidle, Luwaay, Leysaan, Ashraaf.

    Ogaada tuulooyinka ku hareerysan Garbaahey ilaa Buurdhuubo ilaa Ceelwaaq iyo Baardheere dadkena ayaa degan, waxay u baahan yihiin baraarujin iyo hub ay isaga difaacan dulmiga dul dagey 1991. Ma lihi qof maskiin oo aan waxba galabsan, maato iwm in la taabto, balse corneladii Xasuuqa geystey sida Bare Hiirale iwm, waa in laga jaasiyaa waxay nagu sameeyeen.

    dulmiga hala iska qabto, hadii kale aduun iyo aakhiroba waad seegeysaan. Maanta cid inaga badan maleh balse hogaan la’aan ayaa jirto iyo xaasidnimo aan meel jirin.

  25. Ali horta aniga wax xun kuma dhahaayo qof kastana wuxuu ka hadlaa inta garaadkiisa la eg yahay marka waxaad wax ku cabireysaa waa inta garaadkaada la eg yahay.

    Midka kale ee aad ka dhawaajisey waa runtaa in odayaashii hore ay ahaayeen odayaal mar walba difaaca dhulkooda iyo dadkooda deegaano bana ka telin jirey xiligii ey jirtey boqortooyada geledi.

    Xiliga aan ku jirto ma aha xiligii boqortooyada geledi ey dhulkaasi sida maamuuska leh uga telin jirtey ee waxaa la joogaa xili waqtigan aad ila hadleyso eysan maamuli karin xataa degmada ey ayaga leeyihiin ee afgooye.

    waqti waxaan joognaa maamul iska daaye eysan ka hadli karin xataa deegaankooda qabaaulada isku heysta.

    qoraalka difaaca aan difaacayana igama aha in aan qalad ku difaacayo ee wax laga sheegey odayaasha oo aan aheyn umadooda wax uma qabtaan kuma dhigta wixii kale oo ey hayaana ayagaan ka sugeynaa.

    Balse isku dey in aad fahanto nuxurka hadalka inta aadan la soo boodin taariiq dhacdey 1890 waxaan u baahan nahay wixii dhacay 1999 ilaa iyo waqtigan hada la taagan yahay waxa uu ku sugan yahay gobolada iyo degmooyinka shabeelaha hoose

  26. asc asxaabta dhamaan waad salaamantihiin kadib aniga waxaan dhihi lahaa waa ladhahay lkn haltalo ayaan ku darsanaa..hadii odayaashii digil ay ku hoos noolyihiin qof doonaya in oo kaqaato dhulkooda dhalinyeradii bulshidd maxaa ku dhacay oo ay la aamuseen 1gobalka shebeelaha hoose digilyaa iska leh iskana dhiciya cadowga dhulboob.com

  27. waxaan aa sheegeysiin waa qof aragtidiisa maantana Soomaliya qof walbo ayaa wax iska sheegaya war alla warka uu doono ayuu soo qoraayo marka waxaan idiin leeyahay hadaadan wax xaqiiqo dhab ah aadan heyn, dadka ha iska hor keenin walaal, ilaahna halaga cabsado oo cadaalada iyo runta sheega laakiin qof aragtidiisa ma’ahan xaqiiqda ee wax xaqiiq ah la’imaw

  28. Waxaan maqli jirey reer koraadka oo dhahaayaan ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa waxaan uga gon leeyahay walalkey Moe walaahi in ilaahey laga baqo waa wax fiican sababtoo ah qof walliba waxaa labadiisa garbood saaran mala’ig qoreysa wixii xun iyo wixii fiican uu qofka sameeyo.

    Qoraalka weli waxaan rabney mana noo soo sheegin dadka qorey, Laakiin wexey noo ifimiyeen wax aan waxa aragno taas oo daliin ka ah foolxumada taalo gobolka shabeelaha hoose in dadkii la kor degey lana hesto maalin kaliya ma maqlin nin suldaan ah ama xildhibaan ah ama wasiir ah oo kasoo jeeda deegaankaa oo ka hadley dhibta lagu hayo shacabkaas marka laga reebo Prof Dalxa oo malin walba ka hadla.

    Marka walaaloow adiga ilaahey ka baq ee nin jecleysiga iska dhaaf nimankaan wax qorey dadkaan ma kala reebin wexeyna qoreen waxa aan anaga dhan u wada jeedno laakiinse an qori karin anaga, Ayagana waxaan ka codsaneynaa iney noo soo tebiyaan waxa ey naga balan qaadeen oo eheyd howsha ey hayaan oo ey ku mashquulsan yihiin odayaasha iyo xildhibaanadooda.

Comments are closed.