Dowlada Uganda ayaa adkeysay amaanka Dalkeeda iyadoo heegan gelisay ciidamada amaanka wadankasi si ay uga hortagaan weeraro Argagixiso oo ay geystaan kooxaha Alqaacida iyo Al-shabaab.
Afhayeen u hadlay dowladqa Uganda Ufuna Ubuda ayaa sheegay in heegankii ugu sareeyay la geliyay ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka ee dalkaasi, taasi oo ay kaga gaashaamanayaan weeraro argagixiso.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dowlada Uganda aysan qorshaha ugu jirin iney ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taas bedelkeedana wuxuu hoosta ka xariiqay iney ku dadaaleyso sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada.
Si kastaba arintu ha ahaatee tan iyo markii kooxda Alshabaab ay sheegatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa sii kordhayay walaaca ay arintaasi ka qaban wadamada caalamka gaar ahaan kuwa ciidamadooda ay ka jogaan dalka somaliya.
Daafeet.Com