Jaaliyadda Digil-Mirfle Australia waxay deeq lacag oo dhan $4,000.00 (US Dollar Afar Kun) ugu deeqeen walaalahooda tabaalaysan oo sugan degmada Ceel Berde, Gobolka Bakool.
Deeqdaas lacagta oo la gudoonsiyey Guddoomiyaha Gobolka Bakool Mudane Maxamed Cabdi “Tall” waxaa door weyn ka qaatay Guddoomiyaha Jaaliyadda DM ee Australia Mudane Awes Sheikh Muxiyadin Amin oo ku deeqay lacag dhan $1,000.00 (US Dollar Kun) oo ka mid ah deeqdaas.
Jaaliyadda DM ee Australia waxay ka mid tahay Jaaliyaddaha DM oo door wax ku ool ah ka qaata horumariinta iyo howlaha banu-aadinimada ee qoomiyada DM.
Jaaliyada digil mirifle ee dalka australia ayaa wexey mudan tahay ku dayasho ayagoo howlo badan ka qabtey dalka gudihiisa, ama ha noqoto dhinaca caafimaadka ama ha noqoto afurinta xiliga Ramadaanka shacabka ku nool gobolka bay waana ey u amaanan yihiin.
Jaaliyadaha kale ee digil iyo mirifle ee ku nool dalka dibadiisa waxaa la doonayaa in ey xil iska saaraan sidii ey ugu gurman lahaan shacabkooda tabaaleysan una baahan gar gaar xili kasta, ama sidii ey wax uga qaban lahaayeen dhinaca arimaha bulshada oo ey ugu horeyso caafimaadka iyo waxbarashada.
Daafeet.Com