Kooxo hubaysan ayaa maanta waxaa ey degmada wadajir ee magalada muqdisho ku dhaawaceen Wariye ushaqeeya Tv-ga Universal Xaruntiisa magaalada Muqdisho.
Wariyaha oo kasoo ambabaxay hooygiisa oo ku yaala Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu dhaawacay meel ku dhaw isgoyska Korontada ee Degmadaasi.
Wariyaha la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaaba Maxamed Maxamuud Tima Cadde waxaana uu kamid ah shaqaalaha Tv-ga Universal ee Muqdisho.
Rag hubaysan ayaa rasaas la dhacay Wariyaha, iyadoo dhaawac kasoo gaartay rasaasta loola cararay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.
Ugaarsiga wariyeyaasha ayaa ah midka ugu daran ee ka socda magalada muqdisho taasoo ey dowladu ey wli xal u heli weysan tahay.
Daafeet.Com