KU: Dhamaan Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee wadamada Skandanavianka (Finland, Denmark, Norway iyo Sweden)
Dhamaan Jaalliyaddaha Digil iyo Mirifle ee ku nool wadamadda Sweden, Norway, Denmark iyo Finland waxaa la ogeysiinayaa in Maalinta Axadda 27 Okotebr 2013, saacadduna tahay, 13:30 – 19:30 la qabandoono xirriir dhinaca taleefonka ah , oo la xirriira arrimo muhiim ah oo ku saabsan dib u dhiska maamulka Koonfurgalbeed ee Somaliya.
Waxaa si gaar ah looga codsanayaa, dhammaan gudiyadda kala duwan ee Digil iyo Mirifle, ee ka dhisan Skandanavianka inay la soo xirriraan Teleefonada ama emailka hoos ku qoran sida ugu dhaqsaha badan, si loola socod siiyo arrimo muhiim ah oo iyaga quseeya.
Ujeeddada shirka waxa ay tahay arrimo la xirriira dib u dhiska dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya.
Fadlan xirriiradiina waa muhiim.
Tel No. 0046-7644332620 (saacaddaha lasoo wici karo Isniin – Jimco , 19:00 – 22:00) Sabtida iyo Axadda taleefonka waxaad soo wici kartaan saacadaha 09:00 – 22:00 . Fadlan fariin dhaaf, hadii taleefonka uu mashquul yahay si dib laguusoo waco.
Ama nagala soo xirriir emailkan : sicasweden@hotmail.com
Mahadsanidiin.
Qabanqaabiyayaasha Shirka : Jaalliyadda Digil iyo Mirele ee Sweden
Shirki baydhabo ee maamul dhisida intee warkiisa kudambeya qaraaboy manaloo waramo
meel fican ayuu maraya bro insha lah mardhaw walagu dhawaaqaya kadibna wa lo bahan yahay inan maamulkeena garab istagno,,,,,,,,,,,,, waa u jeeda gabolaadeena qaarba ahmed madoobe heshis lagula galaya oo la sin raba,,,,,,,, degmooyinka CEELWAAQ,LUUQ BAARDHEERE,SAAKOW JILIB majorati aya ka nahay 1 iyo 2 shan deegmo in ahmed madoobe faro maroosi ben ah nooga qaadto wax soconaya mahan , dhimasho badan waa inay ka horeysa xoolo digil iyo mirifle danbe oo la qaato nafta hal mar bay go,adaaye,,, ISIR sifeyn aya nagu socota an ka dhidhino insh alah umad an sharafteeda difaacin umad mahane
wa war ficn
walaala yaal As.wa.wab. anne wayba lahaa arintun Alle fududeeyo.Aamin tidiyee kale hoobe galantoo liin na qane dhib wiin ya jere ilaaheey hal ku obse dooy dadke dhib too deen dowlad rasme eh hal dhisooy Ayne la iske khilaaf neey.insha allaaahu ilaheey siin waa fa jiyo.AAmiin yaa Allaah.yaa raxmaan yaa raxiim.
Comments are closed.