Dhegeyso: Dowlada Federalka oo indhaha ka xiratey Gobolka Shabelaha Hoose iyo Degmada Afgooye oo ey ka howl gasho 57 NGO

0
151

fataxGudoomiye ku xigeenka dhaqaalaha ee gobolka shabeelaha hoose C/fataax Cabdulle Yusuf ayaa inooga waramey xaalada guud ee uu gobolka ku sugan yahay iyo dhibaatooyinka gobolka ka taagan gudoomiyaha ayaa wuxuu inoo sheegey in gobolka uu ku xiro xaalad aad u dhib badan balse ey ku dadaalayaan sidii ey wax uga qaban lahaayeen.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu intaas ku darey in dowlada federlaka ey indhaha ka daboolatey xaalada ey ku sugan tahay gobolka shabeelaha hoose ayagoo marar badan u sheegey dowlada in wax laga qabto isbaarooyinka tirada badan ee ay dhigteen beelaha kasoo qaxey gobolada dalka iyo qaar ka tirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed oo ayagana isbaaro deegaanka meel walba ka dhigtey.

Cabdi fataax waxaa kaloo uu carabka ku dhuftey in degmada Afgooye ey ka howl galaan in ka badan 57 NGO isla markaana eysan waxba u qaban umada degan degmadaas balse ey ku gurtaan lacagahoda keliya , Wuxuuna intaa raaciyey in maamulka ku daba taagan yahay arimahaas ayaga ah si loo xakameeyo Hey,adahan tira badan ee ka shaqeeya gobolka shabeelaha hoose.

 

Wareysi Cabdi fataax
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Wareysi Cabdi fataax Mobil
Daafeet.Com