Sheekh C/risaaq Cali Mire Ashcari oo ah Guddoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Gobalada dhexe, ayaa si buuxda uga soo hirjeestay shirkaasi sida uu sheegay maanta oo 23-taariiqdu tahay ka furmaya Magaalada Nairobi.
Dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo xalinta dalka ayuu sheegay in Ahlusuna ay ka qaadatay door weyn, sidaasi awgeedna shirka Nairobi aysan jirin dad uga qeybgalaya sidoo kalena aysan jirin aqoonsi ku aadan waxyaabaha kasoo baxa shirkaasi.
Maamulada Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay Sheekh Al-Ashcari inay wadatashtaan oo aayaha Gobaladooda ay ka fekeraan sidii maamul mideysan loogu sameyn lahaa.
Shirka maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ayaa waxaa isugu imaanaya xubno ka socda Maamulada Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo aqoonyahano, inkastoo Ahlusuna ay sheegtay inaysan kamid ahayn xubnaha maamuladaasi ee shirka ka qeybgalaya.
Daafeet.Com