Dhegeyso:- Gudomiyaha Degmada Wadajir oo sheegey in Suxuufiyinta eysan dilin Alshabab keliya oo ey dilaan dad kaloo ayagana nabada diidan

0
84

GE DIGITAL CAMERAGuddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow ( Axmed Daaci) oo ay wehliyeen saraakiisha ammaanka ee degmadaasi oo isugu jira Taliyayaasha booliiska iyo Nabad Sugidda ayaa la kulmay waalidiinta wariye Timacadde iyo maamulka Tv-ga Universal .

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow ( Axmed Daaci) la hadlay warbaahinta waxana uu xaqiijiyay in ay jiraan howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka oo lagu soo qabtay rag lagu tuhmayo in ay ka danbeeyeen dhaawaca wariye Timacade.

Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in dilalka lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed, aynaan geysaneyn Ururka Al Shabaab oo qura,balse waxa uu sheegay in ay jiraan dad dano Siyaasadeed ka leh dilalka Wariye-yaasha Soomaaliyeed, iyagoo ku waxyeeleynaaya buu yiri ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Gudomiyaha Degmada wadjir

 

Halkan kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Gudomiyaha Degmada wadjir Mobil

 

Daafeet.com