Dhegeyso:- Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestey shirka ka dhacay Magalada Neyroobi

0
51

laqanyoGuddoomiyahii hore ee Maamulka Dowladda Gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in Wasaarada arimaha gudaha labo shir ay ku kala qabato Gobalka Hiiraan iyo Magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkaasi aysan quseyn, sidoo kalena aysan ka qeybgalin shirkaasi Nairobi kusoo dhamaaday.

Cabdi Faarax Laqanyo wuxuu tilmaamay in Agaasimaha Wasaarada arimaha gudaha uu ku sugan yahay Gobalka Hiiraan, halkaasina uu kawado abaabul ku aadan maamul usameynta Gobalka Hiiraan, isaga oo dhanka kalena sheegay in Agaasimaha amniga ee Wasaarada arimaha gudaha uu ka qeybgalay shir kale oo kusoo dhamaaday Nairobi.

 

Cabdi farax laqanyo
Hal;kan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Cabdi farax laqanyo Mobil
Daafeet.Com