Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka dhigtay isticmaalka shiishada oo mudooyinkii ugu dambeyeey ku soo badanayay gudaha dalka Soomaaliyaiyo dalka dibadiisa.
Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgsha magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney soo badanayaan dadka qaba cudurada ka dhasha cabista shiishada, isagoo tilmaamay in shiishada ay ka dhashaan cuduro farabadan sida Kansarka iyo wadnaha oo barara.
Sidoo kale dhaqaatiirta ayaa ka digeysa cabista Shiishada xilli ay sii badanayaan dadka u geeriyooda cudurrada ka dhasha Shiishada, iyagoo ku taliyay inaan lagu cabin goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Dhaqaatiirta ayaa sheegtay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dadka isticmaala sigaarka oo dunida lagu sheegay iney gaarayaan 1.45 Milyan, iyadoo 80% dadkaasi ay ku noolyihiin wadamada soo koraya.
Daafeet.Com