Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuuda ayaa sheegay in ciddii lagu helo isagoo wata baasabaoorka cagaaran ee Soomaaliga oo ah midkii hore loo aqonsan doono inuu yahay qof la shaqeeya Argagixisada.
Jen. Gaafoow oo wariyeyaasha kula hadlayay xarunta waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay ogoleyn in baasaboorkii hore ee Soomaaliga la isitmcaalo.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhawaan ay soo saari doonaan sharciyo cusub oo ay tahay inuu soo maro qofka doonaya inuu baasaboorka Soomaaliga qaato, kuwaasoo uu ku sheegay kuwo lagu xaqiijinayo in qofka doonaya in baasaboorka uu qaato uu yahay Soomaali.
Dhanka kale, taliyaha ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay heshiis kula gashay dalalka Yurub iyo Mareykanka inay dib u soo celiyaan qoxootiga Soomaaliyeed ee dalalkooda ku nool.
Si kastaba arintu ha ahatee hadalka kasoo yeerey General Gaafow ayaad waxaad moodaa in uu shacabka soomaliyeed uu u sameyn rabo dembiyo eysan lahayn sababtoo ah kolka uu leeyahay qofkii lagu arkaa basporka garaan waa qof u shaqeeya Argagixiso micnaheedu muxuu yahay, Pasporka cagaaran malaha qolooyinka Argagixisada ee waxaa leh qaranka somaliyeed hadii la bedeleyna dadka waa in si fiican wax loogu sheegaan ayagoo aan dambiile laga dhigin.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkada
Daafeet.Com