Kenya oo sheegtey in ey dib u celin doonto Qaxootiga Somaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga

0
43

kenWasiirka arimaha gudaha dalka Kenya ayaa sheegay in xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ay ku tababartaan waxa uu ugu yeeray argagixisada wuxuuna ku baaqay in boqolaal kun oo qaxooti ah ay ku laabtaan guryahooda.

Hadalka wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa kusoo beegmaya xili saraakiisha dhanka amaanka ay u sheegeen golaha Baarlamaanka dalkaasi in weerarkii Sept.21 ka dhacay Westgate laga soo abaabulay xerada Dhadhaab oo qaxooti Somali ah ay ku sugan yihiin.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa dhanka kale ka hadlay inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowlada Soomaaliya iyo UNCHR si loo hubiyo celinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Xerada dhadhaab waa xerada ugu weyn dunida ee qaxootiga, waxaana la hergeliyay inka badan 20 sano ka hor markii kumanaan ruux ay bilaabay inay ka cararaan dagaaladii sukeeye ee dalka Soomaaliya.

Ku dhawaad 630.000oo qaxooti ah ayaa ku sugan dalka Kenya marka loo eego warbixin laga helay hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, kuwaasi oo ka kala tagay wadamada Kenya deriska la ah.
Daafeet.Com