Dhegeyso:- Wasiirka warfaafinta oo sheegey in Radio Shabeele ey degenaayeen Guryaha Hantida Qaranka kolkey diiden iney ka baxana laga saarey

0
59

CiilmoogeWasiirka wasaarada warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa ka hadlay arrinta Idaacada Shabeelle oo shalay albaabada loo laabay.

Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa sheegay in wasaarada warfaafintu ay Laba jeer bilihii la soo dhaafay ay qoraal u geeyeen idaacada Shabeelle iney ka baxaan oo ay baneeyaan guriga dowlada.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in wasaaradu ka codsatay bilihii Sideedaad iyo Sagaalaad iney isdiiwaangeliso maadaama ay hoos timaado wasaarada warfaafinta, isagoo caddeeyay wasiirku in ay taana diideen.

Wasiirka waxa kaloo uu sheegay in dadka guryaha laga saarayo aysan aheyn Shabeelle oo kaliya, isagoo xusay in ilaa iyo Shan guri laga saaray dadkii deganaa hal gurina ay degantahay waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ay u qoreen warqad kadib markii laba mar ay dhamaatay muddadii loo qabtay iney uga baxdo Shabeelle guriga Somali Airlines.

 

Ciil Mooge iyo Shabeele

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Ciil Mooge iyo Shabeele Mobil

 
Daafeet.Com