Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaarada warfaafinta ayaa sheegay in Idaacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho iyo xarumaha isgaarsiinta dalka laga rabo inay isa soo diiwaangeliyaan ugu dambeyn Bisha Novembar 10-keeda.
C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa sheegay in loo baahan yahay ku dhaqanka sharciga u yaala Wasaarada warfaafinta cidii ka dhaga adeegta awaamiirta Wasaaradana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Wasiirka warfaafinta Xukuumadda ayaa sheegay in Wasaarada arimaha gudaha ay ka codsadeen xaruntii warbaahineed ee aan isa soo diiwangelin ilaa 10-Novembar in albaabada loo laabo oo la xiro sida uu yiri.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Ciil Mooge iyo warbaahinta Mobil
Daafeet.Com