Dhegayso..Xoola dhaqato reer Guuraa ah oo dib ugu soo laabtey Gobolka Gedo

0
275

xooloBoqolaal Qoys oo xoolo dhaqato reer guuraa ah oo ka soo jeeda Gobolka Gedo oo iyagu markii hore deegaanadooda uga tagey jilaalka iyo biyo la’aanta aawadeed ayaa bilaabay in ay mar kale dib ugu soo laabtaan deegaanadii markii hore ay ka tageen ee Gobolka Gedo, kadib markii roobabkii xilliga deyrta  ay ka curteen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka, taasoo dadka reer guuraagana rajo badan ay ku abuurtey.

Xoola dhaqatadan oo wata  xoolo u badan Geel oo ka kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolada Bay iyo J/dhexe ayaa waxay sheegeen sababaha ay ugu soo laabteen Gobolka in ay la xariirto roobabkii xilliga deyrta oo ka curtey Gobolka iyo in ay ka soo carareen Xanuun loo yaqaano Baal oo xilliyada roobabka inta badan lagu arko dhul daaqsimeedka ku yaala Gobolada Bay iyo J/dhexe,taasoo xoolaha ,gaar ah Geelle ay u adkeysan Karin .

Halkan ka dhegayso

Xoola dhaqato reer Guuraa ah oo dib ugu soo laabtey Gobolka Gedo,wadajir