Waxaa sare u kac weyn uu ku yimid qaar ka mid ah noocyada khudaarta lagu iibiyo magaalada Muqdisho ee gobollada Banaadir.
Qaar ka mid ah ganacsatada khudaarta ayaa u sheegay Warbaahinta in khudaarta ay ka midka yihiin basasha, baradhada, bataatida iyo kuwo kaleba uu qiimahoodu kor u kacay in kaba dan labo-jibbaar.
Ganacsatadu waxay intaas ku dareen in sicir-bararka khudaarta ay sababeen roobab dhowaan ka da’ay beeraha khudaarta ee magaalooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, kuwaas oo sababay in beeraha laga soo saari waayo khudaarta ku diyaarsan.