Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay sheegayaan in webiga shabeelle ee mara degmada Afgooye uu fatahaad xoogan ka sameeyay tuulo hoostimaada degmada Afgooye laguna magacaabo Balballeey halkaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.
Sida warku sheegayo webiga oo wada biyo badan ayaa waxa uu fatahaad ka sameeyay tuulada Belbeli oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegay in khasaarooyin xoogan uu soo gaarsiiyey degmada uu fatahaada webiga ka sameeyay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in fatahaadda ay ka soo gaareen dadka deegaanka Balibali khasaarooyin kala duwan oo isugu jira mid hantiyeed iyo sidoo kale mid nafeed intaba, wuxuuna intaasi ku daray inaysan jirin wax dedaalo ah oo lagu doonayo in lagu hakiyo fatahaadda uu sameynayo webiga.
Fatahaadan uu webiga Shabeelle ka sameeyay degmada Afgooye ayaa waxay imaaneysaa iyadoo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ay go’doon ugu jiro fatahaad uu webiga Shabeelle halkaasi ka sameeyay, iyadoo ay gebi ahaanba go’day wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo hadda lagu maro doono.