Wafdigii uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho qaadatay habeen iyo maalin ku tagey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan labada gole.
Madaxweynaha ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo waxa uu wada hadal la yeeshay maamulka Raskambooni.
Waa Markii u horeeysay oo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose tan iyo markii la doortay dhamaadkii sanadkii hore.
Daafeet.Com
maxadweyne umanaq
no booblandvaya dabda kuwata
Comments are closed.