Milateriga dalka Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in duqeyn cirka ay ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku tabaranayasay oo ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Wasaaradda gaashaandhigga Kenya, ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay lahayd Al-shabaab.
Sidoo kale, warsaxaafadeedk ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 300-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo tababarro ku qaadanayay saldhiggaas.
Ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan duqeynta ay Kenya ku sheegay inay ku qaaday saldhig ay ciidamadooda tababar ku qaadanayeen.
Daafeet.Com
kuwda duqeyn ta fadlan
Comments are closed.